Posts

UNOSOM I&II

Image
HAWLGALKII Rajo soo celinta (UNOSOM I&II) W/Q: Cumar Dheemow Tar: 04. Sept. 2022 .................................................................................... Horraantii 1991-dii Soomaaliya waxaa ka soo gebaggeboobay xukun Militeri oo ay jiritaankiisa iyo burburkiisaba wada eeday. Ka dib burburkii dawladdii uu hoggaanka u hayay AHUN jaalle MSBarre, waxaa abuurmay jabhado maamul doon ah oo hammigooda u wajahayay si ka liidata sidii ay filayeen shacabkii u dabaal degay bixitaanki la bixiyay Jaalle Siyaad. Waa halka uu Abshir Bacadle AHUN ku leeyahay maansadiisi daarnayd dib-u-heshiisiinta "Duqii hore doona ducana ugu dara waad na dilateene". Waloow tuuridii la tuuray maamulkii kalitaliska ahaa ay ahayd mid ka mid ah waxii ugu mudnaa ee sooyaalka Soomaalida soo maray haddana iyada oo aan la wada nashqadaynin waxa dhiig joojin looga dhigi doono marka  jirridda laga gooyo burada deegaansatay dawladnimada Soomaalida ayaa la gooyay buradii, markaas waxaa dhib noqotay in l...

Waxbarashada Soomaaliya.

 Waa kastaaba mid ka horeeyay ayuu warkiisa sugaa, waxbarashada Soomaaliya waa hardan u dhaxeeyo helitaan iyo hufnaan. Marka laga soo tago tirobeelka dadkii ku dhintay ama ku waxyeeloobay Dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay, waxa ay dagaaladaas galaafteen dhismihii iskuulada iyo tayadooda taasoo saamayn taban ku yeelatay guud ahaan hormarinta waxbarashada dadka Soomaaliyeed. Wixii ka dambeeyay 1991 waxaa la fiiqday dhismayaalkii waxbarashada, waxaa wadanka ka baxay inta badan aqoonyahanadii dalka waxaana dadkii ku dhacay qulqul-maskaxeed.  Dhibaatooyinka ku habsaday ummadda waxay keentay in jadwalka waxbarashada Soomaaliya iyo qaabdhismeedka manaahijtuba noqdaan hardan ma dhalays ah oo aan ardayga u ogolaanaynin inuu fakero, wax fahmo, dooq na ka yeesho timaadada. Waxbarashada dugsiyada waxay qaadataa muddo badan, mudo ardaygu uu ku jiro xayndaab wanjalaad iyo waajib gudasho ah.  Qaabdhismeedka manaahijta waa waxa ugu muhiimsan oo ay waxbarashada Soomaaliya u baa...

Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!!

Image
 Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!  Jimcihii aan soo baxay kii ka horeeyay, sagootin mar la arag ah ayaa la ii sameeyay. Habeen walba oo jimco soo galayso afar saac camal ayaan kubbad aadi jiray oo salax ku soo ordi jiray. Dhawr toddobaad habeenkaygi joogtada ahaa wax baa iga mashquuliyay oo bannooni ma soo baasbaasin se jimcaha ciyaal weeranimada la ii xeray ayaan is iri war bahalka mudo waa mooganaanaysaaye caawa ku soo sar oo soo dheel.  Ciyaarta aan afar saac galno waxaan ka soo bixi jirnay lix saac ama lix saac wax dhiman meelahaas. Markaan bannoonigi soo dheelnay ee aan garoonka ka soo wada baxnay, waxaan ahayn qiyaasti toban iyo dhawr qof oo toban ka mid ah kubbada dheelaysay. Markii aan soo baxnay, oo garoonku luuq buu ku yaalayee qaarkeen weli luuqa ka soo dhammaanin baa rag dhalinyqro ah dhagax nagu bilaabeen. Garoonka wax yar buu xaafadeena ka soo fogaa uma se dheerayn, raggii ila socday waxay bilaabeen in ay iska caabbiyaan oo iyaguna dhagaxyo tuuraan maada...

Axmadeey Cabdi Gaashaan

Image
  Axmadeey Cabdi Gaashaan, laashin, maansoyahan iyo kaadir kamid ah kuwa bilay fanka Banaadiriga. Axmadeey waxuu ku dhashay tuulada Cumar Beere oo ka tirsan degmadda Afgooye oo ah degmo aad caan ugu ah ciyaaro dhaqameedka reer Banaadiriga, sida; Dabshid, Sayle, Saracdheere, walawalay, kableey shimbir, Aw Batiiqoow iyo kuwo kale. Axmadeey sida sunnada waxbarashada Soomaalida ku bilaabato, wuxuu dhigtay dugsi quraan, 9 jir ayuu ku dhammeeyay taas oo u fududaysay in uu xilli hore xer noqdo, isaga oo dhawr kitaab oo dhidib u ah barashada diinta sidaas ku marsaday.  Reer Afgooye iyo tuulooyinka ku teedsan waxay leeyihiin dhaqan baasaysi iyo quraafaad isugu jiro oo ay la wadaagaan inta badan degaanada Soomaaliyeed sida aan hoos kaga arki doonno riwaayaddaha laashinku sameeyay iyo magacyada loo xambaariyay. Dabshidka kahor Afgooye waxaa ka jirtay dhaqan goommaar ah, oo la goommaaraayo ama la ceebaynayo gabadhii sannadkaas wacel dhashay, ardaygii waxbarashada ku xumaado, qofkii tuugni...

Wallee waa hankaag daran

  Hadal aan wadaagno  Waa heshiin karaankay Wanaag doonistaydoo Wadooyinka halaq gala Waaga aan u barinoo Nabad maalno waayaha  Walbahaarka gaaraha Waabaayda ii qasan Waad cabi markaagee Ha walaaqin doorkeey  Wadankaan lahaa iyo Darbiyadan wareegsani Waxaa lagu wanjalayaa Maskiin wiirsi aan mudan Wuxuu xaq lahaa idil Weel neefsadoo godan Dalluun kun wadood furan Shaati wayne aan dharag Wuxuu laqay bar muuqdaan Wallaahida maraa baa Wiski dheer ku iibsada  Dhalinyaro walaacdoo Tiro weyd ah toban ka ah Wariskeeda sooyaal Waxa lagu dhex sheegaa Saddex magac wallaahi leh Inay weyso dhoorteen Ooy weer ku diideen Washensiga tirada badan Ku weegaaran guudkood Wixii ay ku keeneen Waatan loo waqdhisayaa  Shaqsi caabud baa waran War ma dhurahaa dhiban Wadka nin u yeeroo Aduunkoo wareegiyo Aakhiro warkeed raba Halkuu waaxid tuugmada Dhimashada ku waaqsiga Ruuxdiisa warin laa Wadar buu ku taamaa Inay maalin wiiqmaan  Siyaasada waswaaska leh Waxa laga dhaxlaa jeer L...

Digriga Xasanaad Jacayl

  Digriga Xasanaad Jacayl Habeen ay taariikhdu ahayd 11.12.2020 aniga oo dhagaysanaya podcast-ga Codka Ubax oo lagu wareesanayay abwaan Weedhsame baa waxaa abwaanku ka sheekeeyay qisada maansada "dareenba dareen xambaar". Podcast-ga waxaan sii dhagaysan jiray marka aan hurdo u diyaar garoobo, habeenkaase waan yeelan waayay ku dhac aan ku hurdo sida qisadu ii muday awgeed. Markaan is dhigay heerka dhibanaha jacayl ee qofkii uu jeclaa qadarku qafaashay, waan ilmeeyay oo maan u adkaysan karin waxa uu arkay. Waxaan ahay arday caafimaadka sannadkii saddexaad ah markaase sannadkii labaad ayaa bilaaw ii ahaa daraasada caafimaadka. Markii aan subaxdi jaamacadda tagay, xiisad kaliya waan qaadan waayay oo mar walba waxaa i hor imanayay wiilkaas iyo xannuunka xaaladu leedahay. Hal'abuur maansoyahan ah maahi, se si aan dareenkayga ololaya u damiyo waxay dani kaliftay inaan kali u fadhiiso oo maansadaan gaaban ku damiyo ololka iga daaran, aniga oo ka matalaya in ay Asma jannoowday oo...

Abshir Bacadle, Q2. (1946-2010)

Image
 Markii meesha laga saaray Kacaankii Luggooyo, Abshir waxa uu kamid ahaa abwaannaddii faraha badnaa ee dareenkii faraxada ahaa ee Bulshada ka gabyay. MSBarre oo ay dhawr xubnood oo garaad, aqoonyahay iyo dadkii caasimmada isugu jira u tageen si uu bal dagaal la'aan kursiga u baneeyo, soona deyriyay oo saliga kaga istaagay wixii uu afkaas ku fahmi waayay, af uu yaqaan oo dhawaqa rasaasta ah loogu sheegay, waxa uu abwaanku leeyahay;  "Sidii odayga loo galay haddaan gaw mar kaga siiyo Gallad wuxuu ku noolaadayuu libin ku geeraaray Geyigaan ku noolahay wuxuu gabangabeeyaaba Wuxuu guluf colaadeed diroo nabad ku goohaaba Wuxuu gees baciid noo mudoo gogol ku sheegaaba Garaad iyo imaan iyo wixii culimo loo geeyay Garcad iyo salaadiin wuxuu gogal ku ciideeyay Gaashaanka wuxuu nagu dhiftee gacanta noo seyray Waxgarad iyo aqoonyahan markuu gubay ee uu laayay Gudigii maanafeystada markuu dib u gantaaleeyay Gummaadkiyo xasuuqii markii laga gilliilyooday Gardarraddiyo kibirkii markii geeri ...