Waxbarashada Soomaaliya.
Waa kastaaba mid ka horeeyay ayuu warkiisa sugaa, waxbarashada Soomaaliya waa hardan u dhaxeeyo helitaan iyo hufnaan. Marka laga soo tago tirobeelka dadkii ku dhintay ama ku waxyeeloobay Dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay, waxa ay dagaaladaas galaafteen dhismihii iskuulada iyo tayadooda taasoo saamayn taban ku yeelatay guud ahaan hormarinta waxbarashada dadka Soomaaliyeed. Wixii ka dambeeyay 1991 waxaa la fiiqday dhismayaalkii waxbarashada, waxaa wadanka ka baxay inta badan aqoonyahanadii dalka waxaana dadkii ku dhacay qulqul-maskaxeed.
Dhibaatooyinka ku habsaday ummadda waxay keentay in jadwalka waxbarashada Soomaaliya iyo qaabdhismeedka manaahijtuba noqdaan hardan ma dhalays ah oo aan ardayga u ogolaanaynin inuu fakero, wax fahmo, dooq na ka yeesho timaadada. Waxbarashada dugsiyada waxay qaadataa muddo badan, mudo ardaygu uu ku jiro xayndaab wanjalaad iyo waajib gudasho ah.
Qaabdhismeedka manaahijta waa waxa ugu muhiimsan oo ay waxbarashada Soomaaliya u baahantahay. Haddii manhajku hagaago, wuxuu soo saarayaa macalimiin u tababaran macalinimada, sidoo kale waxaa ka soo baxaayo jadwal sugan oo soo saari kara arday sugan. Haddii aan dib-u-habayn lagu samaynin manhajka, waxbaradhashada Soomaaliya sidaan un bay jaantaa rogan u ahaanaysaa.
Manaahijta Soomaaliya oo aan midaysnayn darteed afafka wax looga barto iskuulaadka oo ay buugtu ku qoranyihiin waa kuwo qalaad oo Carabi ama Ingiriis ah inta badan. Sh. Mustafa X. Ismaaciil Haaruun wuxuu leeyahay "Af cilmi ah majiro, afafka af ahaan waa isku mid, midna cilmi ayaa lagu qoraa oo waa uu balaartaa, midna jahli baa lagu qoraa waa uu yaraada. Ummaddii afkeeda wax ku qoran waydo, af kalaa loogu qoraa oo lagu balaarsadaa." Haddii la helo manhaj af Soomaali ku qoran, waxaa la filayaa in ay wax badan ku siyaadin karto garaadka ardayda, afkuna uu helayo fursad uu ku balaarto sababta oo ah waxaa siyaadaya cilmiga af ahaan ku qoran.
Muddo 12 sano ku siman ama ku dhaw oo dugsiyada la aado, waxaa laga dheefaa oo laga bartaa waxbarasho aan lagu intifaacsan, waxbarasho xifdis un ah oo lagu guto waajibka cida dhigtay aan la aqoon ee ah "ha isku dhicin, haddii kale waa lagu takoorayaa". Ardayga inta uu waxbarashada ku jiro wuxuu ka fakeraa in uu buundooyin sare ka keeno maadooyin isaga oo xifdiskiisa kaashanaya kana baqaayo ciqaabta ka dhalanayso bulsho ahaan haddii buundo hoose laga keeno maadooyinka iyo xilliga uu shahaadada ka qaadan lahaa iskuulka, kama fakero waxa ay u tarayso wixii uu bartay labo iyo toban sano oo cimrigiisa ka mid ah, saa looguma talagelin inuu ka fakeroba e'.
Waxbarashada nidaamiga ah ee iskuulada waxay dhammaataa iyada oo uu ardayga wax xirfad ah lahayn, timaado uu tilmaansanaya ay jirin. Waxa kaliya ee ka soo baxo hardankaas waa in la helo shahaado aan shay soo siyaadinin oo kaliya lagu helo in lagu galo jaamacad, aan iyada xitaa nidaamka wax sidaa u sii ridan ku dhaamin iskuulka.
Markaad dhan ka fiiriso waxbarashada Soomaaliya, waa xamaalka lagu rarto culuum iyo maadooyin aan ujeedkooda cadayn. Macalinka iyo ardayga is kuma dhaammaan waxtarka iyo waxdheefka maaddada, sida aad u xifdinayso ayuu isagana u xifdisanyahay. Cajalad wax lagu duubay ayaad moodaa waxa badan ee aan ku soo xifdiyay iskuulka ee aan waxba ku soo siyaadinin noloshayda caadiga ah.
Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir maqaalkiisa 'NOOCA WAXBARASHO EE AAN DOONAYNO' oo uu tarjumay Axmed Dhuubow, wuxuu waxbarashada u qaybiyay labo nooc oo wuxuu leeyahay sheekhu "Waxaa jirto labo nooc oo waxabarasho ah. Mid waa talqiin/laqamin ama meerin, buugaagta ayaa laga soo miin-guuriyaa caqliga ayaana loo sii gudbiyaa, caqli ayay ka tagtaa caqli kale ayay u gudubtaa. Waxbarashada noocaani ah waxa ay sameysaa maktabad cusub oo nolosha ah, dalkana koobi ayay ku soo cel-celisaa, wax cusubna nolosha ku ma soo kordhisa, wax cusboonaysiin ahna ma lahan. Nooca labaad, waxa uu ku dhisan yahay, ugu horreyn soo-guurin, marka labaad hal'abuur, saddexaad naqdin, affaraad in wax lagu soo kordhiyo, shanaad cusbooneysiin, lixaad na in aragtiyo laga la soo dhex baxo". Labada nooc, nooca koowaad ee meerinta ah waa nooca Soomaaliya dhammaan laga isticmaalo, waa cilmi qarniyaal sidaa maskaxyada ugu kala gooshayay oo aan marna wax laga soo dhex saarin oo hal'abuur ama fekrad ah. Nooca dambe waa nooca bulsho si ay u hormarto ay tahay in waxbarasho sidaas u dhigan helaan. Sheekhu wuxuu leeyahay "Horumar ma jiro waxbarasho la'aan, manhaj la'aanna waxabarasho ma jirto, suurtogal na ma ahan in manaahij la helo ayada oo aan aragti la heysanin, aragtidu na rag ayaa ka danbeeyo, waana in raggu lagu ka la sooco aqoon iyo fikir"
Ugu dambayn, si loogu intifaacsado cilmiga, loona sugo waxdheefka ay ku leedahay nolosha caadiga ah ee aadmiga waxay u baahantahay in nidaamka iyo hardanka lagu siyaado oo laga fakero hab ka duwan midkaan qardajeexa ah oo nidaamka lagu siyaadiyo, xirfado aqbalaaya duruufaha ku xeeran ardayga. Nidaam aan ardayga dammiin ka dhigaynin, sida kan hadda oo ardaygii la jaanqaadi waayaba shaarka dammiinimada loogu tolo. Ma fududa mana dhawa in is baddelkaas lagu sameeyo nidaamka waxbarashada Soomaaliya, sidaa darteed waxay saamayn ku sii yeelanaysaa shaqo helida dhalinyarada maadaama xirfad ay qabtaan aanay ku dhex baranin nidaamkaan.
Comments
Post a Comment