Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!!




 Habeenkii aan ciyaal weerada noqday! 


Jimcihii aan soo baxay kii ka horeeyay, sagootin mar la arag ah ayaa la ii sameeyay. Habeen walba oo jimco soo galayso afar saac camal ayaan kubbad aadi jiray oo salax ku soo ordi jiray. Dhawr toddobaad habeenkaygi joogtada ahaa wax baa iga mashquuliyay oo bannooni ma soo baasbaasin se jimcaha ciyaal weeranimada la ii xeray ayaan is iri war bahalka mudo waa mooganaanaysaaye caawa ku soo sar oo soo dheel. 


Ciyaarta aan afar saac galno waxaan ka soo bixi jirnay lix saac ama lix saac wax dhiman meelahaas. Markaan bannoonigi soo dheelnay ee aan garoonka ka soo wada baxnay, waxaan ahayn qiyaasti toban iyo dhawr qof oo toban ka mid ah kubbada dheelaysay. Markii aan soo baxnay, oo garoonku luuq buu ku yaalayee qaarkeen weli luuqa ka soo dhammaanin baa rag dhalinyqro ah dhagax nagu bilaabeen. Garoonka wax yar buu xaafadeena ka soo fogaa uma se dheerayn, raggii ila socday waxay bilaabeen in ay iska caabbiyaan oo iyaguna dhagaxyo tuuraan maadaama dhagaxaan ku socdaan. Aniga intaas waan taaganahay weli luuqa ma soo gaarin ciyaalka la sheegayo ma arkin, kuwo ila socdo sida ay wax u rabaana ma fahmin. Anagoo sidii ah baa kuwii isla socday ee dhagaxaan tuurayeen baqa carareen iyagoo ku dhawaaqaya "waa ciyaal weero". Aniga dhawr sababa iima suurogelaynin in aan ordo; mar waa in aan daalanahay, in aan biyo wadanin oo ah shidaalka aan kubbad ku dheelo maadaama afkaygu cantuuf lahayn iyo in kuwa ila socdo iyo kuwa na bursanayaba iga dheereeyaan. Inyar baan orday, intaas oo sabab baan isugu sheekeeyay waxaan goostay in aan iska istaago oo aniga oo taagan ciyaalka la sheegayo i qabtaan, si aan u la xaajoodo, aniga oo ordaayo haddii la i qabto in ay ka dhigantahay in aan dambiga qayb ka ahay. Waan istaagay, dhab! 


Raxan dhalinyaro ah oo hiinraagaysa ayaa igu soo xoomay. Ogaalkayga, dhacdooyinka laga soo tabiyo in ay geestaan ciyaal weerada waa wax bani-Aadamnimada ka baxsan. Markii ba waxaan bilaabay in aan hadal ka sii hor mariyo, oo aan dareen ahaan is dheelitiro. Dhalinyarada sidaan aan filayay ee inaan is af fahmi doono ahayd bay igu noqdeen, dhibaataduse waxay ahayd in dhagaxaanti kuwi ila socday tuureen wiil kaga dhaqramay oo waa dad nabar tirsanayo hadal kaliya kuma qancaan. Intii aan taagnaa iyaguna igu dul xoomeen, mid baa dhawr feer igu dhuftay waxaan habeenkaas dheefsaday oo igu hagoogtay yar mar dambe saldhiga ku sheekaysanay oo aan ciyaal Afiyasooni isla ahayn, isagu wajigayga ayuu yaqaan meel uu ku yaqaanay se ma oga anigana sidoo kale. Yarkaas iyo saddex kale baa igu hagoogtay oo ninkaan wax lagu dhufan maayo ku dhahay intii kale. 


Meel bay i fadhiisiyeen, waxay si kala tagtagsan ii warsanayeen in aan aqaano raggii ila socday. Yarkii la dakhray iyo dhalin yar kale oo ay gurmad ahaan u wacdeen baa wada yimid oo iyaguna soo maqlay in raggi nin laga haayo, markii ay meesha imaadeenba mid baa dhagax garabka ii ga dhuftay ka dibna raggii igu hareeraysanaa baa iga difaacay oo ka daaya ku dhahay. Yarkii daqranaa markii uu wajigayga arkay, ayuu dhahay ninkaan dhagax iguma dhufan oo maba aanan arag. Buuqii baa waxaan nagu soo baxay askar xaafadda ilaalinaysay oo roondo ah, markii ay yimaadeena xaafada aan ku jirno waa xaafada ragga i haayo, askarta iyo dhalinyaradana waa is kasayaan. Waxay u sheegeen in aan ku jiray ciyaal weero soo tuuryaysay oo aan yarkaas ka daqarnay. Askartii baa naloo dhiibay aniga iyo yarkii daqranaa. 


Askartii waxay waceen booliiska deegaanka, askar kale oo saldhiga ka yimid baa noo timid. Yarkii daqranaa bay muuqaal ka duubeen, anigana muuqaal bay iga duubeen. Waxaad moodaa in askartu xilli wanaagsan imaadeen, oo halis badan aan ku jiray intii aan raggaas dhex joogay hadda aanay jirom. Aniga muuqaal baa layga duubay oo ay igu waraysanayaan sida wax u dhaceen. Yarkii daqranaa askarti horaa ceshatay oo anagaa ninkaan kasaynee, kan wata ku dhahay. 


Mooto ay wateen labo askari ayay ahaayeene baan raacay oo dhanka saldhiga ayaa la ii waday. Waa markii iigu horaysay weligay saldhigba in la igu xero iska daayee, xitaa aan gudihiisa galay. Xaafada aan deganahay waxaan deganahay toddobo sano, weligeey saldhigaas habeenkaas ka hor ma arag oo meesha uu ku yaal xitaa ma aqoonin. Intii aan mootada sii saarnaa ayaan sheekaysanay askarta, mid ka mid ah baan is af fahanay oo gartay in uu taleefan ii dhiibo si aan u waco hooyo una ogaysiiyo in aan caawa maxbuus ahay. 


Waxay ahayd abaaro toddobo saac habeenimo, waxaa la i geliyay kuntaynar hab xabsi loo naqshadeeyay, dusha ka fuqfuqsan gudihiisan urka, kaneecada iyo nadaafad darada ka jirto caadi ahayn. Waxaan sitaa buumo, kabahaygii bannooniga intii la iska kay wareejinayay ayaa la iga hoos qaaday. Cabaar baan fadhiyay, markii aan kaneecada u adkaysan waayay ayaan jaakad aan watay sida surwaal u gashtay, gacmahana gudaha fannaanada soo gashtay. Mar ay toban saac ku sii dhawdahay baa hooyo iyo nin askari ah oo xaafada nala dagan ii yimaadeen, sidiina meesha iiga damiinteen oo habeenkaas inti ka hartay damiin baan ku dhammaystay. 


Maadaama aan eedaysane ahay, subaxii waxaan ku laabtay saldhiga aniga, hooyo iyo adeerkay. Taliye-ku-xigeenkii saldhiga ayaa soo hormaray, waxay is garteen habaryarteey oo iyadana dib ka imaatay, muuqaalkii xalay layga duubay baa la tusay markaas buu yiri "waxaan wax sidaa u wayn maahee yarka daqran un daweeya dhib ma jiree". Xariifkii taliyaha meesha ka ahaa, waxuu ku reer yahay oo uu yaqaanaa dhalinyarada yarka la daqray la socday sida ay sheegayeena xaafada ayuuba la daganyahay, wuxuu na dhahay markuu yimid isaga oo aan cid wax ka dhagaysan "waa ciyaal weero, toban beri ayuu ii xernaanayaa ka dibna xabsiga dhexe ayaan u wareejinayaa ganaax iyo lacagna waa laga rabaa". 


Mar dambe oo ay dhalinyarti yimaadeen, rag kale oo taliyeyaashii meeha joogay ka mid yihiin si gaar ah ii kasaayo arrinta galeen waxaa laga soo dhammeeyay in aan anaga iyo reerka yarka nabarka gaaray wada hadalno, xaajana sidaas lagu xalliyo. Eebbe mahadiis, waa la xaliyay yarkuna daqar wayn ma gaarin. Taliyihii marki lagu laabtay, wuxuuba taaganyahay "ninkaan in aan iska haysto ayaanba rabay, rag waa wayn baa iga xigsaday mooyee". 


Intii aan Xabsiga ku jiray waxaan ka fakerayay in aan qori doono sheekadaan iyo sida dad aan aniga ciyaal weero u arkayay iyaga ciyaal weero iga dhigeen. Habeen yaab badan buu ahaa, saacadihii aan ciyaal weerada ahaa waxaan la tacaamulay nidaamka dawliga ee dabbagedisan ee booliiska ku shaqeeyo. 


Ciyaal weeradii, caawa waa qurbejoog si kumeelgaar ah. Lol

W/Q: Cumar Dhemow

Tar: 28. 08. 2022

Comments

Popular posts from this blog

Waxbarashada Soomaaliya.

Mashruuc aqooneedka I. M. Lewis.