Digriga Xasanaad Jacayl
Digriga Xasanaad Jacayl
Habeen ay taariikhdu ahayd 11.12.2020 aniga oo dhagaysanaya podcast-ga Codka Ubax oo lagu wareesanayay abwaan Weedhsame baa waxaa abwaanku ka sheekeeyay qisada maansada "dareenba dareen xambaar". Podcast-ga waxaan sii dhagaysan jiray marka aan hurdo u diyaar garoobo, habeenkaase waan yeelan waayay ku dhac aan ku hurdo sida qisadu ii muday awgeed. Markaan is dhigay heerka dhibanaha jacayl ee qofkii uu jeclaa qadarku qafaashay, waan ilmeeyay oo maan u adkaysan karin waxa uu arkay. Waxaan ahay arday caafimaadka sannadkii saddexaad ah markaase sannadkii labaad ayaa bilaaw ii ahaa daraasada caafimaadka. Markii aan subaxdi jaamacadda tagay, xiisad kaliya waan qaadan waayay oo mar walba waxaa i hor imanayay wiilkaas iyo xannuunka xaaladu leedahay.
Hal'abuur maansoyahan ah maahi, se si aan dareenkayga ololaya u damiyo waxay dani kaliftay inaan kali u fadhiiso oo maansadaan gaaban ku damiyo ololka iga daaran, aniga oo ka matalaya in ay Asma jannoowday oo aniga un dedaal ii harsanyahay [markaad fiiriso halka ay isku barteen oo xaramkii ah, sifada gabadha laga tabinayay oo mid cibaado suubni ahayd, waxaad kuu dhiiran kartay inaad adiga oo aan hubin jannogasho ku tilmaamto ]. Waxaan isku dayayaa bal inaan u sawiro sida aan isugu dayayay wadadii aan kaga iman lahaa aduunka bilaa Asmada ah, sidoo kalena sheegaya inaan dhaqtar ahay oo aan wadno xannuunka iyo xidido xeranka dawayn aqaan se wedka aan waxba ka gelin.
Maansadaan waxaa la dhahaa "digriga xasanaad jacayl". Gadaal baan ka ogaaday inay silsilad abwaano badan oo da'yar ka qayb galeen noqotay, kanshose uma aanan helin inaan ka qeyb noqdo (malaha intaan silsilad loogama qayb geli karo). Eebbe ha u naxariisto Asmo, jannooyinkiisana haku casuumo idimkiisana dib ha u kulmiyo iyada iyo jacaylkeedi ay ifka isku waayeen. Aamiin.
Maansada waxay leedahay;
Ayaamaha dawaafayan
Tiris ku dedaamiyaa
Dabin baysku qoolayaa
Misna wedku ima dilee
Intaa wu i daaf maraa
Degelkaagaan rabaa
Inaan soo daa'imee
Nasiib baa weli durdurin
Jannadu waa daar mug weyn
Daa'in ku abaal baxshee
Waxaan ku dedaalayaa
Inaan kula soo degee
Quman daankaaga joog
Deyr iyo noo sii samee
Kob aan ku dakeeno e'
Samirka kusii dedaal
Mala'ik diiwaan sidaa
Casarka dunidani yimaad
Fajarka isku daba maree
Fariimaha diiran ee
Daneynta u koowga tahay
Damacuna iin ku yahay
Dareena xanuun ku filan
Digriga xasanaad jaceyl
Diihaalka is waayidena
Toloow miyay kuu dixaan?
Wadnaha waan duri aqaan
Dhibtaan ka daweyn aqaan
Wedkaanse ka diidi karin
Wixii loo soo diree
Codkaagii duubanaa
Weli way daaranyoo
Ducada waan soo tixaa
Sidii baan ku doonayaa
Gadaashaa dumar ma baran
Xagoodu dareen ma jiro
Dibnuhu ma dhaqaaqayaan
Dullinka ku nool kasheyda
Qalbiga wuu kuu dahaaray
Darbina ka dhistay hortiisa
Dar alle baan kuu jeclaa
Doonista igama ay marneyn
Duugtaadana maan filayn
Inaan ka danbeynayee
Dawooy waan soo socdaa
Deyr iyo noo sii samee
Kob aan ku dakeeno e'
Samir kusii dadaal
-Cumar Dheemow
-11.12.2020
-11.12.2020
Comments
Post a Comment