UNOSOM I&II


HAWLGALKII Rajo soo celinta (UNOSOM I&II)

W/Q: Cumar Dheemow
Tar: 04. Sept. 2022
....................................................................................

Horraantii 1991-dii Soomaaliya waxaa ka soo gebaggeboobay xukun Militeri oo ay jiritaankiisa iyo burburkiisaba wada eeday. Ka dib burburkii dawladdii uu hoggaanka u hayay AHUN jaalle MSBarre, waxaa abuurmay jabhado maamul doon ah oo hammigooda u wajahayay si ka liidata sidii ay filayeen shacabkii u dabaal degay bixitaanki la bixiyay Jaalle Siyaad. Waa halka uu Abshir Bacadle AHUN ku leeyahay maansadiisi daarnayd dib-u-heshiisiinta "Duqii hore doona ducana ugu dara waad na dilateene". Waloow tuuridii la tuuray maamulkii kalitaliska ahaa ay ahayd mid ka mid ah waxii ugu mudnaa ee sooyaalka Soomaalida soo maray haddana iyada oo aan la wada nashqadaynin waxa dhiig joojin looga dhigi doono marka  jirridda laga gooyo burada deegaansatay dawladnimada Soomaalida ayaa la gooyay buradii, markaas waxaa dhib noqotay in la jaray buradii oo dhiigii ka dureeray baa noqday haro ay ilaa hadda Soomaalidu dhiiga ka cabto. 

Jabhadihii ka abuurmay burburkaas waxay ku loolameen hanashada magaalooyinka waa wayn ee Soomaaliya. Waxaa jabhadaas barbar socday urruro diimeedyo kala tagtagsan oo iyagana rabay in ay hoggaanka qabsadaan kuwaas oo iyaga isa sii dhalay qaybna ka noqday tubooyinka dhiiga tufa si aan harada dhiiyacabta qoraxdu u engegin. Loollanka jabhaddaha Muqdisho waxaa ku adkaaday oo la wareegay jabhaddii USC ee uu hoggaaminayay AHUN Gen. MFCaydiid. 

Maqaal hore oo aan ka qoray sooyaalka iyo suugaanta Abwaan Abshir Bacadle AHUN¹, waxaa ka soo weriyay in ujeedkii ay u curatay maansada aan baydka ka mid ah kor ku xusay ee Dib-u-heshiisiin ay ka mid ahayd in abwaanku ku cambaaraynayay beeshiisa oo hoobiyeyaal ku garaacday Gegada diyaaradaha iyo dekada oo ay halkaas ku gubeen haaman shidaal iyo gargaar loogu talagalay dadkii baahida la joogay Muqdisho. Walow abwaankU dib ugu biiray garabkA jabhadda USC oo reerkiisa u badnaa markii ay UNOSOM wadanka soo gashay. 

Markii ay waxaas oo dhibaato ah dhaceen adkaatayna in Soomaaliya gargaarka caalamka ka imaanaayo la soo gaarsiiyo, waxay Qarramadda Midoobay 03. Dec. 1992 soo saartay qaraar No:794 oo qeexayay in ciidan loo diro Soomaaliya. Butrus Ghali oo ahaa xoghayihii Guud ee QM ayaa u soo jeediyay madaxwaynihii Maraykanka ee xilligaas George Bush qorshe hubka looga dhigayo kooxaha Soomaaliya ka dagaalamaayo oo ay USC-da Muqdisho haysato u horeeyaan. 

09. Dec. 1992 waxaa Xamar yimid ciidan Maraykan uu hoggaaminayay oo 1800 askari ah (UNITAF-UNOSOM I), iyada oo ay jirtay amar uu George Bush bixiyay oo ahaa in tirrada ciidamada Maraykanka ee hawgalkaas la magac baxay hawgalka Rajo soo celinta (Operation Restore Hope) la gaarsiiyo shan iyo labaatan kun oo askari. 

Markii UNITAF-UNOSOM I saldhigatay wixii ugu horeeyay oo ay agaasimeen iyaga oo ka faa'idaysanaya aqoontooda warbaahinta iyo faafinta barobogaandada waxaa ka mid ahaa  in ay 28. Dec. 1992 dhidibada u taageen idaacad iyo wargays loogu wanqalay Rajo. 

Is baddelkii maamul ee Maraykanka ku dhacay ee uu madaxwaynaha ku noqday Bill Clinton ayaa keentay in 04. May. 1993 hoggaankii Maraykanka ee UNOSOM lagu wareejiyo Qarramadda Midoobay, wuxuu na taageeray madaxwayne Clinton in tirrada ciidanka Maraykanka ee hawgalka rajo soo celinta la yareeyo oo la gaarsiiyo ilaa afar kun oo askari. 

Urrurada iyo kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya ee xilligaas jiray waxaa ugu xooganaa AL-ITTIXAAD AL-ISLAAM oo lahaa garbo dagaal. Al-ittixaad waxay ka hor UNISOM galeen dagaalo dhawr ah oo khilaaf ka dhex abuuray gollaha shuurada ee kooxda taas oo keentay in dagaalyahanada mucaskarooyinkii waa waynaa la kala diro. Dagaaladii ay galeen waxaa ka mid ahaa kii Arraare oo ay kaga horyimaadeen jabhada USC ee Gen. MFCaydiid hoggaaminayay iyo kii ay Garowe iyo meelo ka mid ah Puntland kula galeen SSDF. Hoggaankii sare ee Al-ittixaad waxay aad u diidanaayeen in jabhadaha wadanka ka jiro la garabsado oo dagaal wadajir ah ciidamadii Shisheeye ee wadanka yimid lala galo. 

Khilaaf ayaa ka dhashay mawqifkaas, waxaa ragga qaar diirada u saarnaa dubka cad iyo gaalada wadanka soo galay. Waxaa ka mid ahaa raggii ayidsanaa in lala dagaalmo UNOSOM oo laga garab dagaalamo Gen. MFCaydiid, Sh. Cabdullaahi Axmed Sahal (Ayatullaah) oo hore uga tirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya waaxda Canshuuraha. Wuxuu sh. Cabdullaahi Ayatullaah agaasimay dagaalyahano labo boqol gaaraya oo uu ugu magacdaray JABHADDA BADBAADINTA ISLAAMKA kuwaas oo tabbabaro iska caabin ah loo laqimay. Raggii ugu sareeyay ee aaminsanaa in aan Gen. MFCaydiid laga garab dagaalamin waxaa ka mid ahaa Sh. Xasan Daahir Aways oo ahaa madaxii dagaalyahanadda Al-ittixaad, marna ahaa amiir-ku-xigeenka Al-ittixaad. Walow uu mar dambe oo ay Sudan isku arkeen madaxii Al-qaacida Usaame Billaadin, rag ka tirsan Al-qaacidana Muqdisho loo soo diray uu Sh. Xasan dagaalka ku soo biiray. Waxaa la sheegaa in kulankaasi dhacay intii u dhaxaysay April-June 1993². Waxaa la sheegaa in Febraayo 1993 Muqdisho imaadeen rag Pakistaan joogay si ay dagaalkaas uga qayb galaan. Waxaa ka mid ahaa raggii imaaday Tabbabare Cali Maxamed oo si toos ah amarka ugu qaadan jiray ninka ugu sareeyay dagaalyahanada Al-qacida Abu Xafsa Al-Masri sida ku qoran "Al-Qaeda in East Africa" ee uu qoray David H. Shinne. Waxaa sidoo kale qiray in Al-qaacida ka qayb galay dagaaladi lala galay UNOSOM Axmed Godane iyo Mukhtaar Rooboow oo labaduba soo noqday laba nin ee ugu saraysay urrurka Al-Shabaab.² 

Admiral Howe oo ahaa madaxii UNISOM, waxaa la-taliye u ahayd Aprile Glasipe oo mar noqotay safiirka Maraykanka u fadhiso Ciraaq. Waxay Aprile, Howe kula talisay in lala wareego Radio Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen xoogaga taageersan jabhada USC. Waxaa raadiyaha laga guubaabin jiray dagaalka USC kaga soo horjeedo UNOSOM. 

05. JUNE 1993 waxay UNISOM weerartay Radio Muqdisho. Waxaa lagaga horyimid dagaal iska caabin ah oo ay iska garabsanayeen taageerayaasha USC iyo dagaalyahanada Jabhada Badbaadinta Islaamka (JBI). Waraysi uu Gen. Caydiid siiyay wariye Yuusuf Xasan Cabdi wuxuu ku sheegay in ciidan jabhadiisa ka tirsan ka qayb qaadanin dagaalkaas oo cida dagaalantay ahaayeen dadwaynaha. 

Dhacdadaas  waxay keentay in QM soo saarto qaraar NO:837 oo sheegayay in Gen. MFCaydiid la soo xero. Waxaa loo xil saaray wakiil QM u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, horena u ahaa jeneraal hawgab noqday in uu soo xero Jeneraal Caydiid. Admiral Howe wuxuu balan qaaday in uu shan iyo labaatan kun oo dollar siin doono cidii soo sheegto xog lagu soo qaban karo Gen. Caydiid. Gen Howe sida lagu xusay buugga Richard Clark ee "Against All Enemies" wuxuu dalbaday in la keeno guutooyin ka mid ah ciidanka kummaandooska Maraykanka ee Delta Force iyo diyaarado dagaal, se waa laga diiday dalabkaas. 

Admiral Howe wuxuu xiriir hoose la sameeyay Maxamed Iimaan oo reer ahaan ku dhawaa Gen. Caydiid rabayna in Caydiid cid kale lagu badalo. 12. July. 1993 waxaa la duqeeyay guri ku yaalay koonfurta Muqdisho oo uu shir uga dhacayay taageerayaasha USC oo ka koobnaa, aqoonyahano, odayaal iyo dad kale. Waxaa la tuhunsanaa in Gen. Caydiid ka soo qayb gali doono, sida la sheegayna waa ka soo qayb galay se waa ka laabtay markii uu kulanka ku dhex arkay rag uu ku tuhmayay in ay la shaqeeyaan CIA-da Maraykanka. Waxaa duqayntaas ku dhintay Maxamed Iimaan oo heshiis hoosaad la lahaa Admiral Howe iyo qaar ka mid ah ka soo qayb galayaashii kullanka. 

26. August. 1993 waxaa Muqdisho ka soo degay guutoon ka tirsan ciidamada Maraykanka ku faano ee Rangers-ka iyo Delta Force. Waxaa hoggaaminayay Gen. William F. Garrison, waxay tiro ahaan dhammaayeen 440 askari. 

Galabnimadii Oktoobar 3-da ahayd, waxaa suuqa Bakaaraha agagaarka Hotel Olympic dagaal ku dhex maray jabhadii Gen. Caydiid oo garabsanaya Islaamiyiinta Soomaaliya iyo xoogagii Maraykanka hoggaaminayay ee nabad ilaalinta u yimid Soomaaliya. Wuxuu ahaa dagaal ujeedkiisu yahay in lagu soo qabto Gen. Caydiid oo uu Maraykan dhayalsanayay uguna talo galay waqti gaaban se cashar lama ilaabaan ah u noqday xoogagii uu Maraykanka hoggaaminyay. Wuxuu dagaalkaas is baddel ku sameeyay habkii Maraykanka uga falcelin jiray xasaradaha ka dhaca wadamada caalamka isaga oo isku arki jiray boolis caalami oo aan looga maarmin faragelinta xasaradaha ka aloosma caalamka. Waxaa lagu ogaan karaa ka dib guul daradii maalinkaan gaaray, sidii uu uga falceliyay xasuuqyadii ka dhacay Ruwanda, Boosniya iyo meelo kaleba. sida ku xusan Buugga "Operation Restore Hope" ee uu Qoray Philip B. Doston, Soomaalina u Turjumay Maxamuud Bulxan.³ 

Galabtaas waxaa Maraykanka laga soo riday labo diyaaradood⁴, oo ay ka mid ahayd Black Hawk oo laga qoray buug iyo sidoo kale laga sameeyay filimka caanka ah ee Black hawk down. Waxaa dagaalkaas Maraykanka looga dilay sideed iyo toban askari, waxaa sidoo kale laga dhaawacay 73 askari, 6 ka mid ah ciidanka Maraykanka ayaa iyagana nolosha lagu waayay⁵ halka nolol lagu qabtay duuliyihii diyaarada Super 6-4 Capt. Micheal Durant iyadoo waanwaan 14. Oct. 1993 la galay lagu soo daayay Captain Durant. 

Ciidanka Maraykanka waxay ku dhex xayirmeen suuqa Bakaaraha, waxaa gurmad ugu yimid guutada 19-aad ee ciidanka Malaysia oo ka koobnaa 114 askari. Waxay ku guulaysteen in ay soo badbaadiyaan 75 askari oo ka mid ah 77 askari oo ku go'doonsanaa Bakaaraha. Waraaq uu Lieutenant-Colonel William C. David oo ahaa mid ka mid taliyeyaashii Maraykanka ee dagaalkaas ka qayb galay u diray taliyihii ciidanka Malaysia Abdul-latif Ahmed ku yiri " Waxaan weli la yaabanahay in arrimuhu si habsami leh u shaqaynayaan sidii ay u shaqaynayeen.  Hubka tooska ah, madaafiicda iyo baasuukayaasha ayaa cirka ka da'ay.  Waxa aanu ku dagaalanay aagga hawgalka - waddo waddo, guri guri - waxaan ka hortagnay cadaw si fiican ugu tababbaran dagaalka dhuumaaleysiga ee magaalooyinka"⁵ 

Sidoo kale  wariye sare oo BBC-da ka tirsan oo la dhaho Jonathan Fryer wuxuu dhahay "hawgalkii lagu badbaadinayay ciidanka Maraykanka waxaa fuliyay ciidanka Malaysia"⁵. Waxaa dagaalkaas ciidanka Malaysia kaga dhintay darawal Mat Aznan Awang halka 9 askarina kaga dhaawacmeen. Waxaan Malaysia ku arkay mid ka mid ciidankii Malaysia ee la socday UNOSOM oo hadda hawlgab ah, wuxuu ii sheegay in doorkii ay ka qaateen UNOSOM iyo dagaaladii xilligaas dhacayba ay ahayd in ay nabada sugaan oo ay kala dhex galaan dagaaladii xilligaas dhacayay. Wuxuu ii sheegay in ay dhawr dagaal kala dhex galeen mid Soomaalida dhexdooda ah iyo kii Bakaaraha ee Soomaalida iyo UNISOM. Wuxuu yiri "way dhici jirtay in aan mararka qaar xabado ridno, waa haddii na gula soo rido". 

04. Oct. 1993 wadooyinka Muqdisho waxaa lagu dhex jiidayay maydadka ciidamada Maraykanka. Dadka ayaa isugu soo baxay si ay u daawadaan ama uga qayb qaataan haaraamida Maraykanka iyo maydadkiisaba. 

Dhinaca Soomaalida waxaa dagaalkaas la sheegaa in ay ku dhinteen 500 oo qof, halka 1000 kale dhaawacantay⁶. Danjiraha Maraykanka Robert Oakley wuxuu sheegay in qiyaastii 1500 ilaa 2000 oo qof ka dhinteen Soomaalida oo rayid u badnaa. Gen. Caydiid dhankiisa wuxuu sheegay in dagaalkaas lagu dilay 3000 oo qof iyada oo lagu dhaawacay 5000 oo qof⁷. 

Gen. Bruno Lio taliyihii ciidanka taliyaaniga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hawgalkii Maraykanka hoggaaminayay ee Gen. Caydiid loogu dan lahaa. Wuxuu sheegay dad badan oo shacab ah in uu galaaftay hawgalkaas. Guddigii Qarramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa iyagana dhankooda xusay in UNOSOM ku xadgudubtay xaquuqda aadamaha. 

16. Nov. 1993 QM waxay soo saartay xeer No:855 oo lagu burinayay xeer NO:837 oo sheegayay in la soo qabto Gen. MFCaydiid. Waxay UNOSOM wadanka ka baxeen hawgalkooduna soo gabagaboobay March, 1995.
....................................................................................

¹ https://cumardheemow.blogspot.com/?m=1
² Kobici islaamiyiinta Soomaaliya, Cabdishakuur Mire.
³ Soo koobida buugga Hawgalkii Rajo soo celinta, Amiin Timacadde.
⁴ How our men saved US troops in Bakara Battle By Ismail Noor (Malaysian Author)
⁵ How our men saved US troops in Bakara Battle By Ismail Noor (Malaysian Author)
⁶ Kobici islaamiyiinta Soomaaliya, Cabdishakuur Mire.
⁷ Kobici islaamiyiinta Soomaaliya, Cabdishakuur Mire.

Comments

Popular posts from this blog

Waxbarashada Soomaaliya.

Mashruuc aqooneedka I. M. Lewis.

Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!!