Mashruuc aqooneedka I. M. Lewis.


 I. M Lewis waxa uu dhashay 1930, waxaana iska dhalay oday Welsh ah iyo islaan Scotish ah. Wuxuu ku koray Galasgow, Scotland. Wuxuu arday ka ahaa jaamacadda Galasgow qeybteeda Kimistariga, markii uu arkayay xayaysiinta kansho (Fursad) waxbarasho oo ah ka wareegida cilmiga dabiiciga ah (Natural Sacience) iyo u wareegida cilmiga ibnu-Aadamka (Human Science). 


Waxa uu arday ka noqday qeybta daraasaynta dadka (Anthropology) ee jaamacadda Oxford. Madaxa jaamacadda oo ahaa Evans pritchard ayaa waxa uu u soo jeediyay inuu mastarkiisa ka diyaariyo Somali, Afar ama Saho. Isla sanadkaas gudihiisa oo ahaa 1955 ayuu waxa uu fursad uu wax kaga diyaarin karo Soomaaliya ka helay gumeysigii Ingiriiska. 


Markii uu dalka yimid waxa uu bilaabay cilmibaaris isaga oo baro ama deegaan ka dhigtay goobihi dhaqan beelaha Habar Awal (Sacad Muuse) iyo Dhulbahante. Waxa uu Laascaanood kula kulmay Sh. Aw Jaamac Cumar Ciise kaasoo ahaa wadaad dhalinyaro kasoo kacaamay xertii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Lewis waxa uu ku dhiirogeliyay Aw Jaamac inuu ururiyo taariikhda Daraawiishta iyo suugaanta Sayidka, waxa uuna ka qoray buugga taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. 


Waxa uu aad wax uga baaray Soomaaliya dhanka Waqooyi ilaa Baladweyn agaarkeeda. Baaristiisa waxa ay qaadatay mudo 2 sano ah, taasoo marka loo fiiriyo xogta uu soo bandhigay aan ku filnay balse ku suurowday ogolaanshiyaha uu ka heystay keydka gumeysataha oo ay ku keydsanaayeen sooyaal mudo 70 sano ku siman. Cilmibaaristaas ayuu ku qaatay PhD-ga, sano yar kadib waxa uu soo saaray buuggiisa dimuqraadiyada Xoolo-dhaqatada [A Pastoral Democracy]. 


Habka Cilmibaarisyada [Research Methodology] uu Lewis ku sameeyay degalada Soomaalida waxay ku qotontay dheelitiranka bulshada [Structural funtionalism theory] oo ah isugeynta tiirarka bulshada ee hay'daha, xiriirada , doorarka dadka, diimaha iyo xeerarka oo wada jira kuwaas oo bulshada ugu adeega ujeedo isku mid ah, bulshadana lama huraan u ah. Lewis waxa uu isticmaalay aragtida kala qeybinta nasabka ama abtirka [segmentary lineage theory], waxa uuna ku dooday in tolku yahay udub dhaxaadka siyaasada bulshada Soomaaliyeed. Kala qeybsanaanta nasabka waxa uu u arkaa inay jaangoyso dawladnimada heer walba. Heerka ugu muhiimsan waxa uu ku sheegay dadka isku jufada ah ama magta wada baxsha [diya-paying group] kuwaas oo leh qof kala celsho iyo shuruuc ay ku dhaqmaan [Xeer]. Waxa uu qabiilada u kala qaaday, Clan Family [Qabiil], Clan [qolo], primary lineage [Jilib] iyo diya pay group [Reer], qeybta ugu muhiimsana waa diya-pay group oo ah magbixiyayaasha. 


Qabiilka isaga oo hal oday ku abtirsada ayay haddana lafaha kala waynyihiin [xagga tirada]; tusaale ahaan jilib kamid ah Abgaal baa waxa uu odayga Abgaal ah ka tirsadaa 20 oday, halka Jilib kale oo isla Abgaal ah ka tirsado odaygaas 10 oday, labadaas fac ama jilib waxay noolyihiin isku xilli waana isku da'. I. M. Lewis waxa uu arintaas ku sheegay in odayaasha qaar aad u tarmeen kuwana aad u tarmin, kuwii aan aadka u tarmin jacaylka ay Soomaalida taranka u qabaan darteed aan lasii wadwadin lana ilaaway [Structural Amnesia] ama nasab dhiman. Dadkii oo isku qabiil ah, ayay haddana ku kala fadli duwanyihiin Jilibka ay ka dhasheen Waana halka ay laangaab iyo laandheere ka soo jeedo. 


Markii Soomaaliya dawladii ka dhambalmatay, aragtida I. M waxa ay qabsatay warbaahinta caalamka iyo cid walba oo u dhuun dalooshay arrimaha Soomaalida. Lewis waxa uu aaminsanyahay in soomaalidu abidkoodba u dhisnaayeen kala boobka iyo is maquuninta, is-badalka jirana uu kaliya yahay in muggii hore ay ku dagaalami jireen billaawe (mindi), falaar iyo kuwo kale haddana ay heleen hubka casriga ah. I. M. Lewis waa odayga hindisay in xalka Soomaalidu ku jiro Federalka, maadaama markooda horeba dad qabiil-qabiil u qeybsan ahaayeen. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo aqoonyahan siyaasi ah, ahna musharax madaxweynaha Soomaaliya [2022-2026] ayaa mar la weydiiyay Federalka Soomaaliya xal ma u yahay? waxa uu ku warceliyay, hadal u dhigmay "sideedaba Federalka waxaa lagu xaliyaa labo qolo ama dawladood; 1. Dawlad sii dumeysa ayaa tiirarki celin lahaa looga dhigaa ama 2. dawlad duntayna baa lagu dhisaa. Markaa Federalka waa u xal Soomaaliya." 


Aqoonyahano badan ayaa duray aragtiyihii Lewis, waxaa kamid ahaa; ilmo Ismaaciil Samatar (Axmed iyo Cabdi) oo yiri Soomaalidu qabiil qura wax kuma qeybsan jirinee, waxay wax ku qeysan jirreen dariiqooyinka diiniga ah iyo isbahaysi dhanka hooyada ka yimid. Waxaa sidoo kale kamid ah aqoonyahanada naqdiyay I. M, Catherine Besteman oo iyana tiri Lewis waxa u iska indhotirayaa saamaynta dagaalkii qaboobaa, balaayada gumeystuhu keenay iyo xurriyadda oo la siiyay iyaga oo birta laysugu aslan, layskuna diray. 


Waxaa kamid ah aqooyahannada mabda' aqooneedkaas taageersan Saciid Sheekh Samatar, Virginia Luling, Maxamed Xaaji Ingiriis ikk.

 

Tixraac; 

Kulan mashruuc aqooneedka I. M Lewis oo ay madash a Social Science Forum qabteen, ustaad Cabdiqani Xasan soo jeediye ka ahaa. [https://youtu.be/6q0xXBe2DS0].


W/Q: Cumar Dheemow

-18. March. 2022


Comments

Popular posts from this blog

Waxbarashada Soomaaliya.

Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!!