Abshir Bacadle, Q2. (1946-2010)


 Markii meesha laga saaray Kacaankii Luggooyo, Abshir waxa uu kamid ahaa abwaannaddii faraha badnaa ee dareenkii faraxada ahaa ee Bulshada ka gabyay. MSBarre oo ay dhawr xubnood oo garaad, aqoonyahay iyo dadkii caasimmada isugu jira u tageen si uu bal dagaal la'aan kursiga u baneeyo, soona deyriyay oo saliga kaga istaagay wixii uu afkaas ku fahmi waayay, af uu yaqaan oo dhawaqa rasaasta ah loogu sheegay, waxa uu abwaanku leeyahay; 


"Sidii odayga loo galay haddaan gaw mar kaga siiyo

Gallad wuxuu ku noolaadayuu libin ku geeraaray

Geyigaan ku noolahay wuxuu gabangabeeyaaba

Wuxuu guluf colaadeed diroo nabad ku goohaaba

Wuxuu gees baciid noo mudoo gogol ku sheegaaba

Garaad iyo imaan iyo wixii culimo loo geeyay

Garcad iyo salaadiin wuxuu gogal ku ciideeyay

Gaashaanka wuxuu nagu dhiftee gacanta noo seyray

Waxgarad iyo aqoonyahan markuu gubay ee uu laayay

Gudigii maanafeystada markuu dib u gantaaleeyay

Gummaadkiyo xasuuqii markii laga gilliilyooday

Gardarraddiyo kibirkii markii geeri laga doortay

Gartuu diiday mooryaan un baa gelisay maankiisa

Gablan talo aduunyeey maxay galba meel joogtay 


Giddaarada markii loo saftayee lagu galaayuusay

Nin go'iyo nin gaaraba markii gudaha loo daatay

Goonyaha markay kaga hubteen geeri loo dhalayee

Gantaalaha markii looga dhigay lagana guulaystay

Kuwuu igu gaddaanaada yiri gaw malaga siiyay

Ma is goday ma gaargaarsadoo gullo ma rooray

Ma garaamihii loo karsheey guratay mooryaani

Gablan talo aduunyeey maxay galba meel joogtay 


Geedigi habeenkii miyuu gobol ku guureeyay

Markuu waagu gaw yiri miyuu giirka kor u qaaday

Go'ay xalay ku duubeen miyuu gaar isaga tuuray

Hadba gees miyuu dayay ilayn godobi waa yaabe

Hadba gaashaanlayaashii miyuu dib ugu weydaartay

Halaaqada miyuu kaga gig tiray waa guduudaaday

Ilko gumac rasaaseed ahoo guxur madoobaaday

Gowsaha miyuu riiqayoo gawnaxyada buuray

Afkii gadaanaa miyuu gacanta saarsaaray

Towfiiq Rabbigeey hore u gafiyay Mareekan mawgu guuxyay

Hadba Xamar gadaal ma u dhugtay oo gacalo ma u eegay

Geduu beri ku noolaa miyay gocatay laabtiisu

Ilmo gabax ma siiyoo sidii gololka ma u oorshay

Mar i geeya goobtii ma yiri gacala taag waydaay

Goblan talo aduuneey maxay galba meel joogtay" 


Markeey dib-u-heshiisiinta tahay in dawada lagaaro waxay u baahantay in malaxda lasoo dhecaamiyo, sidaas darteed waa in qabiilada ama dadka si loo dhex dhexaadiyo midna qaladka qaataa midna garta qaata, waa in midka qaldan cudur daartaa, cafisna warsadaa cidda uu ka galay halaysku calool fiyoobaadee. sida Dr-kuba loogu ogalyahay meel aan sida caadiga ah la ogolayn in uu baarbaaro ayaa gabyaaguna looga baahdaa inuu godka hoos ugu galo si "run iyo ilkaba waa la cadeeyaaye loo cadeeyo waxa jira". Dhibta wadanka taal qabiil buu ka socdaa, qabiilkuna waa in caqliga iyo nidaamka saxan la waafajiyaa oo aan tabtii beenhawaasnimo ee MSBarre loo karfanin. Abwaanka intaas ayuu ku doodayaa oo gabayadiisa marna ma guubaabinayaan qabiil gaar ah, garse labo nin kama wada qosliso. Keyd shidaal ayaa waxa dhacay qabiilka uu isaga ka dhashay (Habargidir), madaafiicna waxay ku garaaceen sida uu abwaanku sheegayo dekada iyo gegada diyaaradaha, gabaygii uu halkaas ka tiriyay bay u qaateen inuu iyaga ku caayayo. Gabayga ujeedkiisu waa dib-u-heshiisiin waxa uu se abwaanku marka hore dheecaaminayaa malaxda hoose, waxa uu dib u gocanayaa in odaygii (MSBarre) intaan la saarin wanaagsanaan lahayd in bal waxa ka dambeeya lasii odoroso, waxuu leeyahay "odaygii waa loo darsaday, wixii aan u saarnay un baa soo saarteen ee bal dib isugu laabtoo xalka soo saara". Waxa uu abwaanku leeyahay; 


Waa dantay badey gabay kuma degdego Maxamed deeqoowe

Warkase xalayto soo duulay weli way danqinayaaye

Ma daloolsadeen haamankii deeqda lagu keyshay

Dab miyay sureen waa dulli aan xumo ka daalayne

Ilayn doqoni calaf maleh waxay dumiso mooyaane

Maraakiibti iyo doonyihii dididayay sow maaha

Dayaarad kusoo dagi mayaan dalka sow maaha

Dab bay surahayaan meel kastoo dahab ah sow maaha

Dad iyo duunyo dabargooya dirira sow maaha

Dusha aadmigay shaabahaan ficilna duur jooge

Waa yeey wixii dihinba jecel inay ka diirtaane

Deganiyo qeyr lama tusoo waa ka diriraane

Dabciga dibbiyaheey leeyihiin mana dareemaane

Dadna uma ogala caanahana kama durduurtaane

Dirkoodaa malaha dowladnimo daa'in u qorinee

Dalka af wayne inuu leeyahay qalin duugeyne

Siyaadoow na daadihidi bay dib ugu xiiseene

Ilayn doqoni calaf maleh waxay dubato mooyaane

Durba waxay iloowda umuli dihashadeydiiyee

Allay lahe gunnimo daahirsadaa marag ma doontaaye

Warkii loogu duur xuli jirayna waa kusoo duxayee

...............................................

Duqii hore maxaa loo eryoo kula dagaalaynay

Dalka iyo dadkiyo diinti buu dumiyay sow maaha

Digtatoornimuu keenay iyo dullun cad sow maaha

Ka daroo dibi dhal baan aragnay furuqya daacuune

Nin walboow wallaalkaa dad qala ha u durbaan tuminee

War yaan layna dabargoyn qabiil dowlad noqon waaye

........................................................

Duqii hore doona ducana ugu dara waad na dilateene

Ama dowladnimo muujiyoo cudurka daaweeya

Kala doortoo labadaas waa kama dambeystiyee 


Deeleeyda maansadu markeey damacdo laabtaadu

Danbi inaanu kaa raacin baa lagu dadaalaaye

Diiwaanka waxaad gishatabaa dib u gureysaaye

Dad in la isku diro duul horee naar ku daaqilay e'

Dibnahaaga lama baro midaan lagu daboobayne

Dabna laguma sii shido inaad damiso mooyaane

Nimaan dhiiga daadanahaaya damaqin yeelkiise

Duufaan madoow baa qabsata degaladeyniyee

Duugaag hilib bartiyo waxaa na helay daalin dhiigya cab

Madaafiicda beelaha damiray looma aag dayinee

Dariiqyada waxaan kaga dusnaa daa'inoow maganee

..............................................................

Waa loo darsaday khaa'inkii dacayda waynaaye

Duqii lagama reysanee afkaa diidayoo nacayee

Daroogiyo darbiyo jiif wixii qori deegaystay

Dukun daakun waxay naga dhigeen dooxatiyo tuugo

Waxay dumar kufsanayaa wuxuush diini ka idlaatay

Wixii daar burburay iyo wixii dabaqyo aafooway

Dariiqyada isbaarada wixii lagu dul joogteeyay

Wixii guri daboolkiisa iyo daaqad laga dhowray

Danta guud dubbaha lagu dhuftiyo daqaradii gaaray

Dugsiyada waxbarashada wixii daarad laga reebay

Nin damiir leh baa kahanayee doqoni waa mooge

War ka daaya weli maanan maqal dumiya mooyaane

...................................................................

Daliil kale waa dood yaroo idiin dareensiine

Alloow yaa inoo diga markaan duqa ku yaaceynay

Alloow yaa inoo diga intaan diris ku eedoowin

Alloow yaa inoo diga intaan xamar dugaafoowin

Alloow yaa inoo diga markaan dacarta beeraynay

Alloow yaa inoo diga markaan dararta maalaynay

Alloow yaa inoo diga markaan ugu darnaanaynay

Alloow yaa inoo diga wax baa naga dahsoonaaye

Alloow yaa darsiga naga qaldamay diirad ku iftiinsha

Alloow yaa dabaadiga hariyo degelka noo ceynsha

Alloow yaa dabkoo idil ku rida dowlad gacanteeda

Alloow yaa ninkii madax dalbada duco u raacsiiya

Alloow yaa dalkeenii burburay dooga ka iftiinsha

Alloow yaa dareen u leh inaan danaha guud eegno

...............................................................

Dagaalada ahliga waa cadaab dunida guudkeeda

Illahayse duul qeyr qaboo dumiya haw keeno

Dirkayaga afkiyo diinta iyo dhaqanka deegaanka

Diir madoowgaan dhab u wadaagnaaye

Digtatoorki waa naga baxayee dib u walaaloowa

Duqoydiyo wax garadkoow fursadan dahabigaa qaata

Dad weynihiyo shacabkoow ayida dib u heshiisiinta

Culimada dariiqooyinkoow daacad wax u sheega

Aqoonyahanki lagu daalayoow deenta soo celiya

Dhalinyarada duulamayoow damiya baaruuda

Dumarkiyo caruurtoow qalbiga nabad ka doondoona

Degaanada cadaawoowayoow dib u walaalooba

Duf ku baxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiisiin" 


Abwaanka aad ayuu hammuun ugu qabay in mug kale uu arko Soomaaliya oo nabad ku naalooto, kitaabkii Rabbi soo dajiyayna lagu xukumaayo, Waloow uu godka Gabayga u badnaa haddana abwaanku in badan waa uu Shirbi jirray. Shirib uu Dib-u-heshiisiinta ka tiriyay waxa uu ku leeyahay, gadaal baan ka ogaanay mooyee mirihi aan duugnay waa dubnaa, walax dubbanna doog laga sugi maa. 


"haddeey dib nooga soo duxdee

Abuurkaan duugnay waa dubnaa" 


1993 Markii wadanka ay soo galay Mareekan oo ay Ceydiid iyo UNISOM dagaal birta isku asleen abwaanka waxa uu kamid ahaa raggii u istaagay dagaalkaas Mareekanka lagu jibiyay. Gabay uu tiriyay ayaa haddana loogu suntay nin qabiil maadaama asiga iyo Ceydiid isku hayb ahaayeen. Abwaanka oo arintaas ka hadlay waxa uu dhahay "aniga oo salaad Casar ku dukatay masaajid Baar-Ubax ku yaal, ayaan waxaan warsaday sh. Shariif Cabdinuur in lala dagaalamo Mareykanka wadanka yimid waxa diintu ka qabto, sheekhuna waxa uu igu yiri waa fardu-cayn(waajib biyo kama dhibcaan ah), anigana muggaas ayaan go'aansaday inaan jihaadkaas awoodeyda kaga qeyb qaato." Kahor dagaalkaas abwaanka iyo Ceydiid isku garab ma noqonin, waxaa ayna tolkiisu ku toli jirreen Maanafeystannimo waxay dani qasabtay inuu gabay ku muujiyo inuu garabka Ceydiid yahay muggaan. Gabaygaas  waxa erayadiisa kamida

"Waxaa laygu tirin jirray kuwii tuhunka saarnaaye

Todobaadyadaan waxaa is badalay tobon kunoo qoyse

Raggii faraha lagu taagi jiray toobad keen noqoyee

Tol la'aani waxa ay leedaheey malaha taabteene

Hana tagoorina wacadalaan tiinki (=Maanafaysto) loo soconee

Tubtii nabiga mooyee dastuur tacadi weeyaane

Towxiidka nagu maamula iyo tiirarka islaamka

Waxaynu markaan daba taaganahay taladi Ceydiide" (waa beydka lagu haaraamay ee qabyaaladiiste loogu shaabadeeyay). 


Abwaanka isaga oo ka layaaban hooga iyo hogga qabiil oo ay Soomaali ku dhacday, hoggatusaalaynaya waxa uu beydad Shirib ku leeyahay dagaalka qabiil wuxuu ku bilowday Irrirnimo, wuxuu usoo gudbay Hawiyenimo, way kasoo dagtay oo waxay iigu timid Habargidirnimo, haddana waxaa laygu xaglinayaa Hiloowlenimo waxa uuna leeyahay; 

"Inaan ku hoognay hoog qabiil

Hiloowlaan maanta hoos fadhaa" 


Gabayada qabyaalada ka hadlaaya ee abwaanku tiriyay waa ay badanyihiin, oo waxaan dhihi karnaa gabayadiisa aan qabiilka ku saabsanayn xitaa beydad buu qabyaalada kaga hadlay, qabiilku marna ma xuma qabyaaladaase halis ah. Ka gayoon mayno haddaan gabayada qabyaalada ee Abshir Bacadle faalo ugu dhaqaaqno, waxaanse mug kale rig kasiinaynaa gabayga magaciisu yahay "QABYAALAD" qayb kamid ah oo uu abwaanku qabyaalada waxaan Naar ahayn inay iyada ka xannuun badantahay ku tilmaamayo oo uu leeyahay; 


"Qaruun waliba cudur qaasahoo, qaybiyaa jiraye

Soomaali balo loo qorayee, qalinka loo saaray

Wax qabiil ka daran Jahannamaan, qiray aqoontay e

Qaddartoonow iga hiilisaye, qolo ma sheegteene! 


Qabyaaladiyo iimaan la’aan, qooqay bays helaye

Kumanyaal qarriban bay dhaleen, qorina heegaysan

Oo qaaxo iyo aydhis qaba, qaad se ku illaabay

Mar un bay magaalada qaseen, kuna qammaameene

Qacdii hore ba bililiqo un bay, innagu qaadeene

Nimankaa tafaha qaawanoo, qoriga heegaysan

Haddaan baladka laga qaban Wallaa, looga qaxayaaye 


Qaraabo iyo ahal riximnimaa, loo qaddariyaaye

Waa sanam qabyaaladi haddaad, ugu qancaysiine

Waa qaaxo iyo kaankar iyo, aydhis qaab daran e

Waa cudurka qaybaha bulshadu, qaran ku waayeene

Waa qawqab iyo sixir qalbiga, qaaciyoo shidaye

Waa qaabaqawsayn dagaal, qac iyo yaahuuye

Qanjir boogi qodotoo qurmoo, qolof la’ weeyaane!

............................................................................

Quraankiyo Sunnaa muqaddaska ah, qaata xukunkooda

Qurratul-cayni Nebi Muxammad baan, lagu qasaarayne (NNKH)" 


Abshir Bacadle sida aan kor ku xusnay waxa ay gabayadiisu inta badan daarnaayeen Towxiidka iyo Akhlaaqda diiniga ah, waxa uu af aan jilcanayn kula hadlay cid walba oo xadkaas Eebbe dhigay dhinac kaga talaawday. Sigaarka oo ah cunsur halis badan oo deegaanka iyo dadkaba aan u wanaagsanayn diin ahaana ku  ammaanayn mar uu abwaanka la hadlayay qofka caba waxa uu yiri; 

"adiguu afkaagii qayiray quruxda waynaaye

Adiguu qalbiga kaa guboo qurun dareemayne

Adiguu qasaariyo ku baday qoomamiyo ciilee

Ninka qoriga nuugnuugayoow qaaca naga leexi" 


Waxaa  sidoo kale abwaanka gabayadiisa caanka ah kamid ah, midka uu qaadka kaga hadlayo "QAADOOW ADIGAA LEH" oo si lamid Sigaar sina u wanaagsanayn, Akhlaaq bulsho iyo mid diineedba. Waxaa kamid ah erayada gabaygaas;

"Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh

Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh

Qardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa leh

Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh

Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh

Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh

Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh

w adigaa leh

...................................................................

Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh

Qaatala-ka-llaahuye adigaa qaranka aafeeyay" 


Akhlaaqiyaadka diiniga ah oo sidooda loo qaato, Eebbena lagaga ajar xisaabsado waa aduun isku dhan. Abwaanka intii fasahaadka bulsho, diin iyo qofba jirreen isaguna joogay waxa uu u tilmaamay si aan cabsi iyo gambasho lahayn waa kii lahaa:

"midna haygu xanaaqo

   Midna haygu xusmeeyo" gabayada abwaanka lagu xasuusan karo waxaa kamid kii "GUURKA" ee uu talo ku siinayay nin uu ku hal qabsaday oo saaxiibkii ah. Gabaygaas waxaa uu dhexdiisa kaga hadlay Xijaabka oo ah waajib dumarka Eebbe saaray ah, waxa uu abwaanka ammaanayaa hablaha xijaaban isaga oo tilmaamaya ixtiraamka iyo badbaadada ay ka helayso bulshada gabar xijaabani, waxa uu sidoo kale aad u cambaareeyay gabdhaha iyaga xadkaas Eebbe xeray ka talaabay. Erayada gabaygaan waxa laga arkayaa beydad qaar ah oo la qawedi karo iyadoo mararka qaar la moodo in abwaanku dooqiisu waajibinayo, beydad kalena dad buu ku maagayaa haddana ujeedka guud ee gabaygu daaranyahay waa muhiim iyo waajib abwaan boorinaayo. Waxaan kasoo qaadanaynaa inta xijaabka quseysa; 


"Jalaabiib markey qaadatoo qariso jirkeeda

Qashqashaad la’aan bay waddada qun isu buustaaye

Qofna uma dhawaaqee shacbigu waa qaddariyaane 

Qayliyo sawaxan lama tusiyo qaacya nuugyadaye

Nin Ilaah u qoray baa calfada qaarka salafkaaye

Inaan nimanku kula qaybsan karin sow qadarimaysid!" 


Maqaalkaan aad buu noola durkay, abwaankuna maahan abwaan murtidiisa laga kala tagi karo sidaas darteed maqaalka waxaan ka saaray gabayadii dhammaystirnaa ee ku jirray. 


Taariikh madow iyo towbad seeg

Ragaa la taagan tiin dhexdiis!

...

Timo la xiiray waa tarmaan

Dhagax la toobay taahimaa!

...

Toban kun Aakhiree tagtee

I soo tirakooba waan tarmee!

...

Nin haadsanaad u haysatiin

Mana hubtiine ways hoddeen!

...

Guri Waqooyi guuxa yaal

Galooyda Mahdi waw gegsaa!

...

In layga maagay meel cidlaa

Murursadow ma moog tihiin?

...

Maxamed Siyaad markaan eryaw

Iga masayryay maahinoo!

...

Mahaan tilmaamay tagtee

Talana tii Alleey noqee!

...

Diyo ma qaato door dhintoo

Mahaan ku duugno waan degnaa!

...

Raxmaanow labadaan rijaal

Midkoodi roon ra'iis ka yeel!

...

Hiiraan Habargidir joogi mee

Waxaad ka hesho waa hubsaa!

...

Ameerikaanba tatajee

Adya Talyaani xaad tihiin!

...

Mataanahaan midaynayaa

Dadna majaajilay moodayaan!

...

Kabtood ma yeelna UNISOM

Haddaan ku yaacno yoongashow!

......

Haddeey dib nooga soo duxdee

Abuurkaan duugnay waa dubnaa

...

Unu hanniinkoo lee hirnee

Laysaan ma haysoo shan hirtee" 


Abwaanka waxa uu diiwaanka maasada Soomaalida ku biiriyay maansooyin badan. Abwaanka waxaa Eebbe mahadiis in laga qoray dhigane "diiwaanka maansada Abshir Bacadle" oo uu qoray Maxamed Xuseen Macalin oo loogu tagi karo sooyaal badan oo abwaanka ku saabsan iyo gabayadiisaba. 


Waxaan kusoo afmeerayaa gabaygaan "QABRIGA" ee uu abwaanka Allaha u naxariistee inta uusan dhiman Eebbe cadaabka iyo dhibta aakkhiro kaga magan galay, nolosha qabriga iyo runta maalinka dambena ku faahfaahiyay. 


"Illaahoow ixsaan badanoow

Arxamu raaximiin la huboow

Adoonkaagiyaan ahay

abaal kuuma gudi karo

Awoodana adays ka leh

Abuurkaygi koobaad

Awalkiyo bidaayadi

Haddoo oday ciro leh ahay

Ilaa uurki hooyadeey

Aduunyada jntaan jiray

Adigeey arsuqi jiray

Adoomana wax kama helin

Ixsanka maahinee

Arxan kalena sugimaa

Aakhirana kasii daran 


Illaahoow ixsaan badanoow

Arxamu raaximiin la huboow

Ayaanta mowt i asiibo

Ajasheydu dhammaato

Aduunyo aan ka aruuro

Erayga iigu dambeeyo

Afkeygu uu ku dhawaaqo

Uurkana aan ka jeclaado

Iqlaasna aan u iraahdo

La aqbalo la ajiibo

Laa ilaaha illalaahu 

Iyo udkoonoow nabigaynii

Allahayoow igu aadi

Argagaxna iga ilaali 


Haddii iilka lay dhigo

Afar xarar iyo jaqafyana 

Laygu soo albaaboo

Ciida laygu aaso

Ahal iyo qaraabiyo

Ummadda iiga jeestaan

Aalaabadana qaataan

Ogaalkiina lasoo noqo

Indhahana la ii furo

Waaba gurigi aakhiro

Irrid laga baxaa maleh

Iimmaanka maahinee 

Aqoon horena uma lihi

Alloow mahan iska aalo

Iyo itaal xumideyda

Iyo ixtaajnideyda

Adigu way aragtaahe

Isimkaaga raxiima

Illaahayoow iigu ixsaan fal

Aah aahdana iga ilaali 


Illaahoow ixsaan badanoow

Arxamu raaximiin la huboow

Lammaddii arxanlaawoo

Ulo bireedka siteenoo

Indha cagaarka ahaayoo

Imtixaanka badnaana

Illahayow haygu asiibin

Aah aahdana iga ilaali 


Illaahoow ixsaan badanoow

Arxamu raaximiin la huboow

Sidaan akhbaarta ku hayno

Iimmaankana aan ku rumeynay

Ayaanta yoomu qiyaamo

Ummada ay aqbalayso

Xaqeey aduunyada diiday

Xabadse oow anfaceynin

Ilmaduna ay qubanayso

Argagax uurxumo yaalo 


Illaahoow ixsaan badanoow

Arxamu raaximiin la huboow

Sidaan akhbaarta ku hayno

Iimmaankana aan ku rumeynay

Ayaanta yoomu qiyaamo

Ummuurta hooga inta la eg

Waxaa ammaanka helaayo

Qofaad ixsaan u sameysoo

Into aduunyada joogay

Towxiidka aad ku arsaaqday

Iimaana aad ugu deeqday

Istiqaamana siisay

Acmaasha saalixaana

Inta yaroow la yimaado

Ka aqbashoo ka ajiibto 


Saddexdii arbaciinoo

uurka hooyo dhexdiisa

Markeey noogu idlaato 

aafar walxaat la qoraayo

Shaqaawo ay igu oolin

Cilmiga asfaligaahu

Yoomul kitaabka ku yaalo

Sacaado ay igu taalo 


Illaahoow ixsaan badanoow

Arxamu raaximiin la huboow

Sidaan akhbaarta ku hayno

Iimmaankana aan ku rumeynay

Ummuurahaa isku toosan

Adoonka aad ku arsaaqdid

Waa awliyaa'u raxmaano

Insha Allaahu tacaalaa

Irrid jannaaduu ka galaaho

Malaa'igaa ka adeegto

Erayadeey ku dhawayso 

Waa Assalaamu caykum

Wa abshiruu bil jannati

Udkhuluuhaa bi sallaamin

Amniyo raaxo ku naalo

Iyo ummuuro la nuucoo

Ishiisu ay ku arwaaxdo

Uurkiisu aw ku nagaado 


Illaahoow ixsaan badanoow

Arxamu raaximiin la huboow

Sidaan alhbaarta ku hayno

Iimmaankana aan ku rumeynay

Irridda aw ka galaayo

Amniyo raaxo badnaa

Aroos udgoyno badnaa

Aqal ku daahyo badnaa

Ubaxya geedyo badnaa

Ummuur layaable badnaa

Illaaheey deeq badanaa

Adraab abkaara badnaa

Abkaar adraaba badnaA

Illaheey deeqi badnaa

Meeshu udgoon badnaa

Sariiro aalta badnaa

Barkin alfuufan badnaa

Afar waboo kala nuucoo

Kuwii aduunka ahaynoo

Uur waynaadiyo duumiyo

Aan kaneeco lahayn 


Illaahoow ixsaan badanoow

Ummuurahaa isku toosan

Adoomadaad aad ku arsaaqdid

Ilaahayoow naga yeel"......AAMIIN! 


Eebbe ha u naxariistee Abshir Nuur Faarax Bacadle waxa uu aduunka ka tagay 10-ka bishii Oktobar 2010, Abshir waxaa uu aduunka kaga tagay 30 iyo dhawr tafiirtiisaX kamid ah. Waxa uu dhintay isagoo diinta iyo Eebbe magaciisa aad ugu gabyay, cimrigiisana ku qaatay faafinta diinta af iyo adinba, Eebbe haka ajar siiyee, jannooyinkiisa cid maleyn kartaahi jirina haku arsaaqo....AAMIIN. 


Tixraac;

https://youtu.be/eFqhwL588EA

https://youtu.be/DwXMYEDkPJY

https://youtu.be/pM1tsAT-e7

https://youtu.be/gKZKB80rh2k

https://youtu.be/-2-wfw-R2-A

https://youtu.be/SMKUVSL-ULs


-Cumar Dheemow

-23. Feb. 2022

Comments

Popular posts from this blog

Waxbarashada Soomaaliya.

Mashruuc aqooneedka I. M. Lewis.

Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!!