Wallee waa hankaag daran
Hadal aan wadaagno
Waa heshiin karaankay
Wanaag doonistaydoo
Wadooyinka halaq gala
Waaga aan u barinoo
Nabad maalno waayaha
Walbahaarka gaaraha
Waabaayda ii qasan
Waad cabi markaagee
Ha walaaqin doorkeey
Wadankaan lahaa iyo
Darbiyadan wareegsani
Waxaa lagu wanjalayaa
Maskiin wiirsi aan mudan
Wuxuu xaq lahaa idil
Weel neefsadoo godan
Dalluun kun wadood furan
Shaati wayne aan dharag
Wuxuu laqay bar muuqdaan
Wallaahida maraa baa
Wiski dheer ku iibsada
Dhalinyaro walaacdoo
Tiro weyd ah toban ka ah
Wariskeeda sooyaal
Waxa lagu dhex sheegaa
Saddex magac wallaahi leh
Inay weyso dhoorteen
Ooy weer ku diideen
Washensiga tirada badan
Ku weegaaran guudkood
Wixii ay ku keeneen
Waatan loo waqdhisayaa
Shaqsi caabud baa waran
War ma dhurahaa dhiban
Wadka nin u yeeroo
Aduunkoo wareegiyo
Aakhiro warkeed raba
Halkuu waaxid tuugmada
Dhimashada ku waaqsiga
Ruuxdiisa warin laa
Wadar buu ku taamaa
Inay maalin wiiqmaan
Siyaasada waswaaska leh
Waxa laga dhaxlaa jeer
Laysla waayo muufada
Iidaan warkiis daa
Kala dooro un waaye
Libaax iyo waraabaha
Mid wareemo ruuxdoo
Marxuumkii laguu waco
Wado waaye xanaf tiran
Waxiid baa kasoo diray
Waab deyran samadoo
La malaysan waxa yaal
Suubanena kasoo wari,
Awr-kacsi way ka wayntee
Waadaduse waayadan
Furuuc un wax loo saar
Gaalnimay waqlalayaan
Nimuu soo wajahay wed
Waanada ma qaatee
Madaxuu u weecshaa
Walaahoowga goob dhuran
Cadaaladi walaacday
Ninkaan weero dheerayn
Ninkaan muruqyo waynayn
Kaan waldaysyo¹ buurnayn
Wajac buu tilmaan yahay
Wirwiraayo dhimir yari
Walcankeeda gaajada
Nimeey wiig la joogtoo
Washamsi ay ku qaadaa
Waag¹ iyo u kici tama
Safar wakhti qaatee
Wallee waa hankaag² daran
Wax ruuxaad mudaysoo
Kugu wiirsanaayaa
..............................................................................
1- Waag: socod badan oo wax lagu baadi goobayo
2- hankaag: Daal iyo dhibaato badan lagala kulmo socod muraadkii lagu hungoobay.
.............................................................................
-Cumar Dheemow
-23. March. 2021
Comments
Post a Comment