Axmadeey Cabdi Gaashaan
Axmadeey Cabdi Gaashaan, laashin, maansoyahan iyo kaadir kamid ah kuwa bilay fanka Banaadiriga. Axmadeey waxuu ku dhashay tuulada Cumar Beere oo ka tirsan degmadda Afgooye oo ah degmo aad caan ugu ah ciyaaro dhaqameedka reer Banaadiriga, sida; Dabshid, Sayle, Saracdheere, walawalay, kableey shimbir, Aw Batiiqoow iyo kuwo kale. Axmadeey sida sunnada waxbarashada Soomaalida ku bilaabato, wuxuu dhigtay dugsi quraan, 9 jir ayuu ku dhammeeyay taas oo u fududaysay in uu xilli hore xer noqdo, isaga oo dhawr kitaab oo dhidib u ah barashada diinta sidaas ku marsaday.
Reer Afgooye iyo tuulooyinka ku teedsan waxay leeyihiin dhaqan baasaysi iyo quraafaad isugu jiro oo ay la wadaagaan inta badan degaanada Soomaaliyeed sida aan hoos kaga arki doonno riwaayaddaha laashinku sameeyay iyo magacyada loo xambaariyay. Dabshidka kahor Afgooye waxaa ka jirtay dhaqan goommaar ah, oo la goommaaraayo ama la ceebaynayo gabadhii sannadkaas wacel dhashay, ardaygii waxbarashada ku xumaado, qofkii tuugnimo lagu qabto isaga oo beer jabsanaayo iyo qof walba oo sannadkaas qalad muuqdo galo. Dhaqankaan wuxuu diiradda saarayay in qofka qaladkiisa garawsado, ceebta qaato mar dambena qalad midkaas lamid ah uu galin, inta badana dhif ayay ahayd qof la goommaaray in mar kale qalad heer goommaar [dhaleeco] gaarsiisan galo. Cida wax goommaarayso waxay ahaayeen laashinnada degaanka oo uu Axmadeey kamid yahay, meel facshir ah oo ay dadku buuxaan, halkaas oo aan ka fahmi karno heerka afmaalku ama laashinku reer Afgooye ka joogo.
Hal'abuurka Axmadeey wuxuu kasoo bilaawday noloshaas ciyaaraha iyo afmaalku heerka sare ka joogo. Wuxuu ka mid ahaa dadkii ciyaarahaas wax ka dheeli jiray, waxaa ciyaaryaqannimada u raacday laashinimo uu erayo ku laro ciyaarta walow aabihiis iyo isaga hardan hibo wado iyo harowsi waalid dhex maray. Aabihiis wuxuu ku dhihi jiray:"Ushaada qaado, haddaa ciyaar iyo goleheedaba tagtid waa is dilaynaa", hooyadiis ayaase hibadiisa kala shaqayn jirtay oo dhihi jirtay:"Iridkaa ma xeraayi, ood yar aa soo saara aayar iska soo feed marka soo galaysid yaan lagu ogaanin." Ciyaaraha uu dhuumashada ku bilaabay ee uu irridkooda kasoo iladay kabaha laashinimo waxaa kamid ahaa dabshidka oo uu mar mar erayo ku furi jiray. Waxaa ka mid ahaa erayadii uu ku furay mid ka mid ah dabshidyadii uu ka qayb galay, kuwa hoose;
"Allif waa la jiidaa
Aayad waa la koobaabaa
Inna-fatax, Arbaca bilowgeeda waaye
Iida iida u weyn aarafaa la yiraa
Iid yareey dabshid waaye
Iidda sunaadna ayaan jimco waaye
Ilaahey minoow ku ajalaayo, kuma ogeysiiyo,
Waxow kugu arsaaqaayo, kaama ood saaro,
Ajal meyd nimow ku dhicin, iil la geyn maayo,
Amarkiisa nimow soo ahaanin, eebo dili meyso,
Adduunyada waa urtooy udugtooy, laba irdood waaye,
Irridii eebbe kaa ridaa, laga abbaaraaba
Aakhiro abeesaa jirta, oo la mudo uur geel,
Afartan iyo afar baacoodaa, lagu ajiimay afkeeda,
Nimanaa abliis laga dhigayoo, oodan kaligooda,
Uurkeey ka wada ooyayaan, Afkey u addimeeyaane,
Ilaahow abliis hanaga dhigin, hana oodin kaligayno,
Ash-hadanka noogu aadi, haddii iilka loo jeedo,
Ul iyo eebo ma qaato, ilaahey aadanoo kale maahin,
Abti iyo adeer ma qabo, eedo iyo aayo,
Isagey amarkiisa, oraxda noogu dhacdaaba, loo araarano maayo,
"Minaan ullo qaado, ay uleey imoodo
Ooyoow ma aqaani, waa leyga ordaa"
Fanka Banaadiriga waa ab'ogaa sooyaal fog leh, wuxuu ka koobnaa ciyaarahaas ay erayada ku lari jireen kaadiriin badan oo uu Axmadeey kamid ahaa. Sugaanta Banaadiriga malahan jiifto, waa gabay iyo Marjiib oo baddelka jiifto ugu jirto suugaanta Banaadiriga. Waxaa kamid ah Marjiibta, beydadkaan hoose.
"Aduunyo arkaysid
Kaa oroday looma ooyo
Eebbahayga hadoo iraadeeye
Aqalkaaga hasoo abaarto
Gabartoo Golgalaale ii joogto
Oo Goobwayn ka adeeganayso
Gammuunba halaygu gaadgaadee
Guurkeeda kama geed galaayi"
Suugaanta Koonfur ama Banaadiriga waxaa lagu bilaa dhulka iyo deegaanka taas oo malaha muujinayso heerka dhul jacayl ee beeralaydu qabaan. Marka gabar la ammaanayo, waxaa carabka lagu dhuftaa deegaanka abkeed iyo abootadeed kasoo jeedaan si ammaan isku gunnadan loogu huwiyo gabarta iyo degaanka ay kasoo jeedaba. Waxaa ka mid ah sugaantaas, beydadkaan hoose;
"Balcad yare iyo balcad wayne
Buurbuurka bishaaro qaboob
Baliga Xaaji Abroone
Laanta Baawe Xasan Kuulow
Beerihi abkaaga waaye"
"Guf cadeey gaada sameey
Minoow geela beelo, ma gaada beele
Ina gasloow ma dile, Gu'aale geed geliye
Gacanta dhiig leh, Geela ku maale gabadhiisiyeey
Goobta maasoo gashid, Gaar maxaa u joogtaa."
Gamboole iyo, Godgodka biyo neef
Ceelka ku yaal, Carada gogol ma doonto
Xerada giiroow ma hureen, Laanta garaarta lahayd
Guti lama gutiile, Gal aw ukun
intii lagu geeyo, Geela ku maaloow gabadhiisiyeey
Goobta maa soo gashid, gaar maxaa u joogtaa"
Fanka banaadiriga, afar fac camal baa ka horeysay laashin Axmadeey. fankaan oo markiisii hore ciyaarahaas iyo erayada laashimiinta gole-ka-fuulaan ku koobnaa, magaalkana aan aad usoo galin wuxuu kasoo bilaawday kacdoon bulsho oo ay horseed u ahaayeen laashimiin reer Banaadir ah. Kontameeyadi waxaa Xamar qayb ka mid ah deganaa Hindi, kuwaasoo keeni jiray filimaan, ciyaaro iyo heeso Hindi ah iyaga oo dadka ku casuumayo masrixiyadoodaas. Abwaano ay kamid ahaayeen Aways Geedoow Diinle, iikar sheekh caliyoow iyo cali maliixaan baa hoggaan u noqday kacdoonkaas bulsheed oo ujeedkiisu ahaa in aan la dhaqan doorinin dadka Banaadiriga ah, baddelka filimadaas loo hindiso Riwaayado af iyo dhaqanba iyaga iska dhex arkayaan. Riwaayadihi ugu horeeyay waxaa kamid ahaa Daadoow iyo Dal Nuuris, ha i sheeg sheegin, sadkaaga saaxir kaama reebo, ikk. Sidii hindida ayaa masrixayadahaan loo samaynayay, waxaa kala gedisnaa un ciyaaraha iyo heesaha meesha lasoo bandhigayo. Heesihi ruwaayahdaas caanka noqday ku jiray, siiba"Daadoow iyo Dal Nuuris" oo uu sameeyay laashin Aways Geedoow Diinle oo ay luuqda ku la lareen ustaad Axmed Naaji Sacad iyo Caasho Cabdoow waxaa erayadeeda kamid ahaa;
Axmed Naaji: "Madaxaaga waayee
Meeha wixii i keenee
Ha i moodin
waa kusoo Maagee"
"Duqa waa taqaanee
Deeq badanaas rabaayee
Dahab aas dambiil
ku qaadaaye
Daf inaan ku siiyo
Duurkaan kuula aadaa
Adna daawadaydi
Daadooyeey"
Caasho: "Duqa ii darnaayee
Maan u dilaa Daraadaa
Duco maan habaar
Ka doortaayee
Dayo meel kaleetee
Deeq badan kaa baxaynin
Kuma daalihayso daadooye"
Noloshiisa magaalka waxay bilaabatay markii qaar kamid ah laashimadii Xamar joogay soo dalbadeen isaga iyo kooxdiisa si ay uga qayb noqdaan aroos Xamar ka dhacaayay. Ciyaar Hurdo-diid la dhaho ayuu halkaas kaga qayb galay. Waa lays maro saarayay laashimiintii iyo bulshadii fiirsanaysay ayaa la dhacay hab masrixiyaydkiisa iyo erayadiisaba. Erayadii uu arooskaas ka mariyay waxaa kamid ahaa:
"Marta meerto aduunyadaan ku maqlaayay
Meel walbaa la maraa,
Ma tagaa ma joogaa
Magriga bilcaameed waaye
Maantii maantaa ka roon
Maahmaahda ilmeed waaye
Mooyga webiga iyo maanyada
hadday isla macaadaan
Mardaboolahaa jiro
Oo maslaxo diidaayo
Maleeleey macaaneey
Malaas wayntii miyaa
Midii maalin iyo cawo
Murugadeeda i haysi miyaa
Ma arkaysidaa islahaayee
Macaaneey Ma iska miirnayd
Anigoo maxbuus ku jiro
Masruuf inay keento
Maro wayn isiisooyeey
Mirihii jannaad tahay
Yaan kula masaalaa
Mambaay iyo Mareekan
Moosko iyo Roomo
Amaan kula muraadaa
Mayamaya haddaad i tiraahdidoo
Muddada beenaysid
War Murugo iima dhinnee
Muslin Allaha ii yeelo
Maalintaan waxaan ku ahay
Malag kusoo maagay
Adigoon maqsuud ii ahayn
Meel ku geeyi maayo
Maqbiyo haddaan kaa dhigo oo
Mininka dhaafaynin
Makaan wayn haddaan kuu dhiso
Oo meel fiican kuu yeelo
Wixii maal aduunyo aan qabo
haddaan midigta kaa saaro
Martidii madaxaada ku timaad
haddaan malab ku sooryeeyo"
Dadkii madasha joogay baa sacab la istaagay, laashimiinti soo dalbaday baa maro saaray oo "bas ka dheh" dhahay, kadibna tashkiiliyay oo ku qanciyay si uu Xamar sii joogo. Axmadeey sidaas buu reer magaal tuulada Xamar kaga soo xarooday ku noqday. Intii uu Xamar joogay shaqooyin kala duwan oo xirfadiisa buu Xamar ku joogay, wuxuu harqaanle ka noqday mid ka mid ah saldhigyada Ciidamada Boliiska Soomaaliya, halkaas oo uu kasoo saaran jiray noloshiisa caadiga ah dhanka kalena uu ciyaarihii iyo laashinimadii meesheeda kasii waday isaga oo aroosyada kaga qayb gali jiray ciyaaraha iyo luuqda laashinimadiisa lajirka kooxdiisa ciyaaraha. Axmadeey intii uu tuulada joogay laashimiin baa soo gacan qabtay kuwaas oo bilaawga laashinnimadiisa bareyaal ka ahaa, waxaa ka mid ah; Laashin Guunloow, Yuusuf Diinle iyo Hiraabey Gacale.
Barnaamijkii Heesaha Hirgalay ee la qabtay 1970 ayuu maqlay, iyada oo ay ku dhiirogeliyeen ka qayb galkiisa ciiddamadii booliska ee uu saldhigooda hargaanlaha ka ahaa. Markii uu tabaabushaystay ee uu tagay xarunta nin Samadi la dhaho oo reer Waaberi ay isla ahaayeen bay is arkeen. Markii ay is waraysteen buu dhahay "haye laashin Axmadeey, maxaad sidaa", "hees aan wataa" aas yiri oo mirahee ka mid yihiin
"udkoon badaneey ii imaaw" oo ay gabadhu dhahayso
"Makuu imaanaayi
Waa ku arkay
waa ku caashaqaad waadaa".
Samadi ayaa kula taliyay, haddii uu waa heesaa dhaho in meeshaas Fannaaniin waa wayn oo ay CabdiTahliil, Cumar Nuur Cabdulle, Cabduqaadir Nageeye ikk. Wuxuu ku dhahay "laashinnimadaadii aaway? Shareeradaadi soo qaado, Hurdo-diidkaaga la imaaw meehaan". Guddiga barnaamijka waxay ahaayeen Eebbe ha u wada naxariistee Maxamed Cali Kaariye, Cusmaan Aadan Askari, Cumar Alteesto iyo Sheegoow. Markaas waxaa la jeclaa oo warkiisa bulshada dhagaysan kartay ninka toorrada iyo ammaanaayo Kacaankii luggooyo ee uu calanka u siday Gen. Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu soo qaatay shareeradiisa, wuxuuna soo watay kooxdiisa ciyaarta sidaas ayuuna kaga qayb galay. Erayadii uu kaga qayb qaatay waxaa ka mid ahaa;
"Qof walboow tartiib u soco Tuko salaadaada
Tuug iyo dibutaati waa la xeray wixii soomaali ku taagnaa
Tobankii sanoo horo raggii talada noo haayi
Tumasho ay na tuseen iyo tugis la dheelaayo
Shacabka tabcaan ay ka dhigeen waxba uma taraynin
Calankaan wadankeena ka taaganoo hawada taabaayo
Tariiqid ay ka rabeen ooy dhulka ku tuuraan
Tooradaa mahadsanee taladeeda aan yeelno"
Markii heesaha hirgalay dhammaadeen ayay is arkeen Qaasim Hilowle, Cali Maliixaan iyo Macalin Abgaal Siciid Riyaale Eebbe ha u wada naxariistee. Waxay ku dhaheen "Ex fiyoore ayaa ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Benaadiriga lagu tumooyaa habeenki ee noo imaaw". Habeenkii madashaas ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ayuu ka qayb gali jiray. Waxaa kormeer ugu yimid Gen. Ismaaciil Cali Abuukar iyo Gen. Muuse Rubiino Good oo ka socday kacaanka sidaasna waxaa ugu soo biiray dawladda. Markaas baa ciyaarihii Soomaalida lagu soo wada biiriyay, oo barnaamijga waa la wayneeyay. waxaa lays wada xafidsiiyay ciyaarihii oo qofka Waqooyi ka yimid waxaa la baray Aw Batiiqoow, Sayle, kabeebeey ikk halka reer Benaadiriga la baray Saylici, Dhaanto, ikk. Ka dib waxaa agaasime looga dhigay Danjire Yuusuf Xaaji Aadan. Waxaa la aaday, tartan Keenya ka dhacaayay, axayna kasoo qaadeen bilad. Ka dib Xamar ayaa laga bilaabay ciyaaro ilaa wajaale oo magaalooyinka waawayn dhan waa la marsiiyay ciyaarihii. Intaa ka dib Suudaan, Jarmalka, Nayjeeriya ayaa la aaday oo ay billado ciyaaraha dhaqanka ah kasoo qaadeen.
Riwaayadaha uu Axmadeey hindisay waa labo heer, qaar sheekada iyo erayada ayuu isaga leeyahay halka kuwo kalena uu kaliya erayada lahaa iyada oo sheekada qof kale sameeyay. Markii ugu horeysay ee uu riwaayad samayn gacan qaaday waxaa ku dhiirogeliyay ustaad Axmed Naaji Sacad, Isaga oo u keenay riwaayay la dhaho "jacayl faqiir galay ma fududa" oo uu sheekada isagu sameeyay waxa uuna ka codsaday inuu erayada u sameeyo sheekada ruwaayadaan. Riwaayadaha Banaadiriga heesahooda waa gaagaabanyihiin sababta oo ah laxanka ayaa ka horeeyo erayada sidaas baa laxanku u jaangoynayaa dhirirka erayada.
1974 Axmadeey oo degan Marko Cadeey ayaa waxa uu ku arkay labo gabdhood oo walaalo ah haddana muuqaalka aan kala dhicin, magacyadooduna Luul iyo Laylo la dhaho. wuxuu hees ay ku luqeeyeenu Abuukar Al-Camaari oo hore u qaaday iyo Muunye oo hadda qaado. Waxaa kamid ahaa erayadeeda;
"Mana kala liitaan
Laafyadoodaha hal waaye
Lixaadkooda ma dhinna
Ludna isma dheera
Waa liin iyo canab
Lun kasoo baxayee
Aniga teen u leexdaa
Oon laacaa
Labo walaalaan isla jeclaaday
Luul iyo laylaa lakala yiraahaa
Ar layla lur ma igu haysee
Laakiin luulaa i laab kicisay
Haddaan nasiib leeyahay
Liibaan iyo calaf
Luul yaa luul Allahayoow luul"
Isaga oo heestaas sameeyay baa waxaa u yimid Muxudiin Xaaji oo riwaayad erayo u rabo. Riwaayad ku saabsan laba gabdhood oo walaala ah oo la kala dhaho "Luul iyo Laylo" waa heestii uu samaystay oo riwaayad ah. Faadumo Qaasim iyaa ka qayb noqdeen, waa riwaayaddii ay Aways Khamiis, Faynuus Sheekh Daahir, Aw Kuukuu, iyo xitaa laashin Axmadeey lagu bartay. Sidoo kale "u samir ama ka samir" ayuu erayada saaray oo uu sameeyay Cabdiqaadir Nuuraani. Waxaa ka mid ahaa erayadaas;
"Sidii faro moos
ama fiid cambe
Waa kuugu faanaa
Meel fagaaro haddaan tago
faaladaa ma dhigaayo
Fikirkaan dhaafee
faraxleey faceed ka roon
waa kuu fayoobahay"
Intaas ka dib isaga wuxuu aad u fahmay riwaayad samaynta, waxaa xigtay oo uu sameeyay dhammaanteed "Cudur iyo caashaq keebaa culus"Qaaxada waa laysku tuuri jiray waaggii hore. Nin dameer wato oo tuuladooda ka baxay [Cumar Beere] si uu qoryo usoo gurto ayaa arkay naag in xero loo oday looga dhex tagay oo dadkeedi ka guureen. Duudkiisa ayuu kusoo qaaday, wuxuu keenay isbitaalka Afgooye waa la daaweeyay. Muddo ka dib markii ay caafimaaday ayuu tuuladeedi ku celin maagay, iyada ayaa diiday oo ka codsaday inuu guursado oo ay ilmo u dhasho. Sidaas waxaa dhismay reer caafimaad darro caashaq ku dhaafay.
Riwaayadaha kale ee uu sameeyay laashinka waxaa kamid ah; Guur waa nasiib ee gacalka ha boobin [1978], Shan iyo tobankii Shumeey, Warbixintii jacaylka [1981], libintii guurkayga libaaxaa liqay [1983], Shamaala yaa sheegan karo, Galladii jacaylka adigaa gudan wayay[1985], kibirkii beertaa, karfan saaray jacaylka [1987], iyo Shan u yar ha ii sheegin.
Dadka xeebaha dago Caddale xageeda waxay dhahaan "bisha shabcaan sharteeda, shan Jimcaale deyreed iyo shan u yar inan hableed saddexdaasba shaafiintaa laga akhristaa" oo ah quraafaad ay aminsanaayeen in haddii shan gabdhood isku xigsadaan mida ugu yar shar tahay iyo dhibaato reerka kusoo korortay sidoo kale "Warbixintii jacaylka" oo aan sugaanteeda faaqidi doono.
"Warbixintii jacaylka" waxaa lagu daahfuray Hargaysa, nuxurkeeduna waa Qudbosireedka. Sideetameeyadii hoos baa layska nikaaxsan jiray [Qudbosiro]. Wiil iyo gabar baa is mahersaday, gabadhi uur ayay yeelatay ninkiina halkaa iyo Carabaha ayuu iska aaday. Gabarta Walaalkeed bay la nooshahay, marka waxaa lagu sheegay in ay wecel sido"Aduunyo ceebaa laga baqaa, aakhirana cadaab". Walaalkeed waa u dayrinayaa ka dibna Kenya ay iska aadee, meesha ayayna wiil ku dhalee. Wiilki baa soo laabanaya oo abtigiis is baranaya. Gabar uu abtigiis dhalay baa meesha joogto oo jeeb ahaan u wanaagsa. Waxay ku wargelinaysaa haddii in aanu niyadjabin haddii uu doonana ay dhoofinayso, haddii uu beecmushtarnimo rabana ay maalgelinayso. Markaas buu leeyahay wiilka;
"Dhul tariiqmay oo
toddobaatan baac
hoos u kala tagay....
bani-aadam ma toli karaa?.....maya
Labo toddobaad
Toban iyo afar beri
Nin tabaalaysnaa
Oo talaado toog wareeri
Arbaco masoo toosi karaa...maya
Ragga taako bi taako
Dunida ugu talaabsaday
Oo tagnaloojiyadooda
Dayaxa ooku tartamaayo
Inay tuula yaal ka dhisaan
Anigoo maanta ka tirsanaan lahaa
Adigaa tarkeetida iga soo tuuray
Tubtaan maanta isoo taagay
Tog dushiisa buur ku taal
Tunkeeda tayeeg ku yaalo
Guudkiisaad iga soo tuurtayoo
Webi baad tib igu siisay
Waad iga sii taraarixisayoo
Bad baad igu tiinbisay
Ee takoortaan igu taagan
Iyo xumaanta aan kaa tirsanaayo
Tabaheeda ma haysidee
Abwaanyaal tiirka aqoonta
Bal tartiibko u tag
hakula taliyaane
Haddii taas taatikaheeda
Iyo tabaheeda la waayo
Takoortoo kale igu taagan
Aan taladeeda kaa rabaa
Tagoogahayga dhammaantiisa
Cishqigaan ku talaalmay
Tuf iyo tahliil wax ka tareenin
Taqtarkiisa adigu tahay
Tartiib ma iiga daawayn kartaa"
markaaseey gabrtina leedahay;
"Taariikhda weligeeda
Tagto iyo timaado waaye
Tirada sannadyaalka
tomon iyo labo bilood waaye
Toddobada asbuuc iyo
Waqtigaa daba taagan
Kal ayaan aduunyada inay tahay
Quraankaay ku taalaa
Ninkii maanta tabaalaysan baa
Beri taajir noqonaayo
Ee tilmaantayda garo
Tikid iyo baasaboor
Adiga meel walba ku tagi lahayd
Taamaan kaaga soo dhigay
Taksigii jacaylkaan ku saaraa
Taraafiko aan ganaaxaynin
Ee tilmaantayda garo
Jarrada tug, tan anaa dagay
Tan kale u talaabso
Tii Moogoow tay dheh
Ninba tii ku fadhiyaa tay dheh"
Markale wuxuu dhahayaa;
"Aduunyadaan laqdabada badanoo, lillaahidii ku yaraatay
Aduunyadaan anaa kaa laxaad wayn, laysku laaynaayo
Aduunyadaan labadii wadaay noqotay, laakiin u dhaxayso
Lurkeed ma yaree lacala macaaneey
haddii lisaan been laguu keeno
Amaad iga leexataahoo, anna luxud i gaysaa
Lo' iyo libaax isku laxaad maahinee
Labaalihiin dagnay haddii afarle lagu lifaaqo
Lixlaha nus..nus libinta jacaylkeena ha lahaadee"
heestaan ka dib guur buu ka dalbanayaa wayna ka aqbalee. Mahdi iyo Malayka oo ah wiilka iyo gabarta guurka ku heshiiyay, baa Mahdi wuxuu leeyahay; dh
"Ummad aa jirto oo
aduunka ku nool
Abadkood eed raadinaayo
Labadii isku uur eh waa ajaraane
ka ilaali ammuuraheena"
Mulki: "Afar guuto iyo abaanduulahood
Urursan aarmigooda haysto
Ma afgambin karaan arooskeena
Sidaan kuu ogolaadi waaye"
Intaa kadib Mahdi Mahdi gabarti buu aabaheeda ka doonayaa;
"Dheef waa haystaa iyo dhara g
Dhulkayga ka dhoofi maayo
Dhuubadii aad dhashaa
Dhabtii la dhacayee
Dhib la'aan abti
reer manoo dhistidoo"
Abitiga: "Dhab ahaan labadiina Waa dhalateen
Dhiig iyo dhuuxiisa lee tihiin
Haddaa isla dhacdeen
Dhammaysta aroos
Anna reer waa idiin dhisaa"
Islaanta abtiga ayaa maqlayso oo iyadana gabadha la rabtay wiil ay walaasheed dhashay. Markaasay leedahay;
"Wareegto waraabe soo qoray
Wigil soo bartay iyo wariiri
Weer aa warqad keenay waabtaan
Wargayska haddaan qoraa"
Mahdi: "Eedooy maxaa wargayska iigu qoree
Ma wadankaygaa wax u dhimay
Ma walaalkeeyaa wax yeeli
Ma fadeexadii watarkeed baan sameeyi"
Eedadii baa hor is taagayso guurkooda markaas buu Mahdi ciil gabyayaa;
"Yaaq aadan yabaal ku yaal iyo
Yicib oo la yaqaanaan ahaay yoonkii hore
Markii yartaas yada aan la heli waayay
Ayaan yuunbaday biyaha yaxaas maanyo ahaan
Yakahaan yaqiinsaday haddii baashi laga yeelay
Yoolyoolka maxaan orodkiisa yasay, yaayah yaabkaygaa yaab la yiraahdaa
Yanuun damac iyo yaaduun jacaylaan ula yaxyaxoo haayaa
Wadnahayga yabyabaa ka yeerayso
qalbigaygana yalam yalam
Ceelkii nabi Yuusuf yabadhaalenimada loogu riday
Ayaa anna laygu yudoohaayaa, yabaq geeriyaadkayga yeeraaye
Yaasiinka iyo tabaarak halii soo yabooho"
Islaan hooyadiis iyo aabihiisba tagaan baa waxay dhahaysaa;
"Aabahaaga waa la yaqaan,
laakiin yoonkiisa lama haayo
Hooyadaada yool aakhireey jirtaa
meel yar iyo wayn loo yururaayo
Adna yaabka iyo ciilka iska yareeye,
yeeri yeeri yam dheh
Aduunyada yeele iyo
la yeele aa ku nool
Yaxaas iyo nibiri, yaa akhii
iyo walaalkeeyaa laysku yeeraa
hoosna waa laysku yaambeynaa
Maal yatiin ninkii cunay
yeed xumaa u dambaysee
Yabaq oohinta iska dhaaf,
gadaal samaantii nabi Yuusufaa
yeelan doontaayee"
Isaga oo meel bannaan usoo baxay baa waxaaka daba imanaydo gabadhii Malayka ahayd, waxay leedahay;.
"Waagii baryaba waranaa taagan
Weligeed aduunyada wareer kama dhama dhammaanaayo
Labadii wacad gashaaba Xaasidaa kala weecinaayo
Wallaahi waa dhaare Wecel iyo wuxuush
Wax kasto lagu yiraahdo Kaama waabanaayee
Waajibkaygaa gudanaaWanaag iyo galgacaylaan Laabta kuugu haayaa
Wehelkii naftaydow Waanwaanta iga qaadee
Webigii jacaylka kaalay ila waraab"
Mahdi: "Wabiga iyo warta
Waadiga iyo biyahiisa
Iyo ceelasha wayeer
Adiga lee isla waraab
Anna wariiri ahaan
Ama waraabe sidiisa
Waabtayda god waaye
Waandoowaa la deris ahay
Wax ma garte ma ihi
Laakiin waqtigaa igu jiifo
Waywaydii shalay
Iyo waawareyda maanta
Waabayda laygu qasaayo
Wareerkii jacaylkaaga
Oo wecel laygu dhahaayo"
Ka dib Waa uu isaga baxayaa magaalada Malayka lopgu diiday; Markaaseey leedahay.
"Dhul abaareed Aan dhalaalaynin
Iyo dhabo duur ahoo Dhudhumaayo
Anigaa kusoo dheentay Dhati iyo dhuur dhexdooda
Oo good ku dhalaayo Bisha iigu dhacday
Caashaqaan i dhaawacayoo Dhibaatadiisa igu raagtay
Midki ila dhaqaalayn lahaa Hadduu dhabahaan igu dhaafay
Ha dhaco jacaylka ha dhaco"
Markaaseey reer Hargaysana dhahayaa "ha dhaco Kacaanku ha dhaco" Dadwaynuhu waxay riwaayada u bixiyeen "Xorriyaddii reer Banaadiriga" Riwaayadaas ka dib Cabdiqays baa u yimid oo ku dhahay "Suugaanta aad ruwaayadaan gelisay, anigiyo Hadraawi ma gelino oo weligeen waa nala xeraa. Dawladda afkaaga ma fahmaysee iska wado." Intaa ka dib Warqaddii waxaa ka qaadaayo Nabadsugida. Xasan Aadoow oo hargaysa badal ku joogay iyo Maxamud Diirshi oo agaasime ka ahaa tiyaatarka hargaysa ayaa waraaqadi u raadiyay iyaga oo kacaanka ku qanciyay in Axmadeey reer Dhoobeey yahay, tolkiisuna siyaasada ku jirin wax kacaan lid ku ahna dhankiisa laga filaynin, haddii ay xiraan bulshadu dhahayaan "waa wixii tawrada laga sheegayay, in ay dadka iska xirxirtaan". Warqadi waa lasoo siiyay Way keeneen. Waxay ku dhaheen Markaasay "yakahaan yaqiinsaday Haddii baashi laha yeelay" maxaa kuu gaystay, yakaha fara dheere aaba isku haysatee. Maalinti wixii dadka reer dhoobayda ah ee Hargaysa shaqada u taga, waxay u bixiyeen Axmadeey, aad bayna u hirgashay riwaayadaas.
Suugaanta Axmadeey intii aan ka qoray afkiisa iyo intii aan helay iyaga oo qoran baan kusoo gebagabaynaynaa sooyaalka iyo suugaanta Axmadeey oo aan maqaal lagu koobi karin.
1- Riwaayada "Xasuustaa ma xariirsho" ee uu dagaaladi ka sameeyay waxaa kamid ahaa beydadka hoose;
"Aduunyadaan tub dagaal noqotay iyo meel laysku tib laayo
Aduunyadaan tacabkii la nacay oo tuugnimada lagu faanaayo
Aduunyadaan toddobaatan jirkeeda nabada aan ka talinaynin
Aduunyadaan toman iyo shan jirkeeda dagaal loo tarbinaayo
Aduunyadaan tafaraaruqa badanoo tawfiiqdeeda laga guuray
Tahluukadeeda ma yaree noo toosi Alloow
Talluuneey dhulkaw ka kacaa cirkoow toobiyooyaa
Talo xumo ninkeedana waa tacab qasaaraa
Tilmaan waalid nin diidayna tahluukaa u dambayso
Ummaddii tawfiiq aan ogolayna tafaraaruqaa u dambeeyo
Ta'layda gabayga aan tilmaanteeda cadeeyee
Taway taag ii dhaha
Tuke caanaha nasiib waa uugu tagaa Haddana tartiib uu ku cabaayo malahan tafihiisuu ku daadshaa Tariinkii dawladnimada
toog gaabanaan tunkiisa ku fuulnay
Haddana tiirkii midnimada ma adkayninee qabyaaladaa naga soo tuurtay
Ee tusbaxaan naga kala go'ay Oo halba meel lagu tuuray
Sidii loo tixi lahaa Waddaniyay u taalaa
Maradaan naga tariiqantay Oo taako iyo dhudhun jeexan
Sidii loo toli lahaa Waddanigeey u taalaa
Ummaddaan kala tagtay Oo tobanba meel qaxooti u taagan
Tabtii laysugu keeni lahaa Waddanigeey u taalaa
Qarankaan la kala tuurayoo Boobkiis loo soo tartamaayo
Sidii loo toosin lahaa Waddanigeey u taalaa
Ee soomaaliyeey tasho Midnimo ku tasho
Tubtii nabada aan wada qaadno Walaalnimo aan ku tashano"
2- Maansada "Mandeeq waxay tiri" oo uu ka sameeyay gabar uur leh, qurbaha joogto hilaw badana u qabto in ay Soomaaliya ku dhasho laakiin amni xumada darteed aan iman karin. Waxuu kaga waramayaa sooyaalki iyo dhibtoo dagaalada ay Maandeeq kala Soo kulantay qaxarkii Soomaaliya ka dhacay, waxay leedahay;
Matanaha Soomaaliyeedoow
Maandeeq waxay tiri
Meel nabadaan ku dhalaan rabaa
Miyigaan ku noolaan jiray
Xoolahaygaan maamulanaayay
Murugo iyo dhibaato maqabinoo
Nabadgalyaan ku mushaaxaayay
Mijin dheeraha geeleed Iyo
maarayda lo'aadaa
Maalin iyo habeen
Macdooda laysoo lisaayay
Masiibo colaadaa dhacday
Geelii muruqaa lagu qaatay
Dadkii qaar waa marteen
Qaarna waa kala maageen
Aniga iyo maamadeeyda
Macbuudka na maganshoo
Waan kasoo misaafurnay
Malageena masoo gelin
Maandeeq waxay tiri
Meel tuulo aan nimid
Oo macriifadeena ku nool
Mudulaa nala dajiyay
Moos beeraa naloo gooyay
Muruqeenaa maalow galnay
Misagada iyo galeey
markay noo bislaadee
Mooyaha kasha aan dul saaray
"Misaga cadeey
Inteen ku shubaa" [hees hawleed]
Haddana mashaqo colaadaa dhacday
Oo qabyaalad laysku marinaayo
Mudulkii waa la gubay
Misagadii waa la gubay
Maf iyo mafaa ka dhacday
Maroodi rah ku joogsaday
anigiyo maamadeeyda
Malageena masoo galin
Macbuudkaa na badbaadshoo
Waa kasoo musaafurnay
Meel magaalo aan imid
Oo makhluuqu u badanyahay
Maqaayaan ka shaqeyoow gaay
Muufadeedaan dubaayay
Maraqeedaan bisleeyaayay
Miro lacagaa laygu siinaayay
Mudo gaaban kadib
Masiibo colaadaa dhacday
Miino kaysku dhigaayo
Madaafiic laysku qarxinaayo
Maamadeeyda meehay ku dhimatay
Maandeeq waxay tiri
Waa kasoo musaafuray
Markabaan kasoo raacay
Maanyadaan soo maray
Makaan shisheeyaan imid
Mooro qaxootiyaa lay geeyay
Macaawinaa lay siiyow galay
Maay baraadar iyo
Guud moorninaa
Macneeyoow galay
Mudo gaaban kadib
Muruqeygaan ku shaqaystow galay
Makaanyahaan dhaqdhaqaayay
Miisaskaan tirtiraayay
Dhulkaan meeraayay
Miro lacagaa kaygu siinaayay
Maandeeq waxay tiri
Maalin maalmaha ka mid eh
Anoo suuqa maraayo
Muxudiinaan is aragnay
"Maandeeq maroontahaaw" yiri
Waa miiranahaan iri
Maandeeq waxay tiri
Muxudiin waa ii maansooday
"Cirkoo soo madoobaaday
Oo moosinkiis gaaray
Mir da'day iyo mayaay isku daray
Loo wada muxuboonaayo
Dhulka meel walbana
Cagaar kasoo maaxayoo
Mooyga ay doogsanaayaan
Midibkiisa aad leedahay
Madar soo hilaacaayo
Muuqaal dahableey
Hablaha mudantoodaay
Sida Miraha jannaad
Allaa muuna kuu yeelay
Naftayda kaama maarantee
Mahuraankeeda waa adiga
Inaan ku marwaystaan rabaa
Inaan ku mahersadaan rabaa
Macaaneey muraadkayga ii yeel"
Maandeeq waxay tiri
Mas'alo mas'alaa lagu furaa
Ma baahde Alle waaye
Ruuxii kusoo mutaysto
Muraadkiisa waa loo yeelaa
Waa is mahersanay
Marwo iyo raggeedaan noqonay
Waa lay maro saaray
Maasha Alle aadaan u maqsuudnay
Maandeeq waxay tiri
Mudo gaaban kadib
Marwo uur lahaan noqday
Mininkeeda aan dhaafaynin
Laakiin maalin iyo habeen
Markii aan hurdo seexdo
Maskaxdayda waxay ku riyootaa
"Muluq Soomaaliyeedaan ahay
Maamo maandeeqeey
Makaan shisheeye
maku dhalanaayi
Mirihii arladeeda
Malabka buuxay dhexdiisa
Mooskii daadka jiifay
Iyo madarkii Soomaali nagee
Meeshaan ku dhalanaa aniga"
Saasaan ku riyoonaayay tiri
Maandeeq waa murugootay
Maandeeq waxay tiri
Mataanaha Soomaaliyeedoow
Meel nabad aan ku dhalaan rabaa
Reer Muqdishoow iyo
Mahuraanay hargaysa
Makaan burco iyo laascaano
Magaalada Garoowe
Iyo maanyo xigeenka Boosaaso
Mudug Gaalkacyood
Iyo magaalada Dhuusamareeb
Matabaan iyo baladwayne
Mahadaay iyo jawhar
Makaankii Xamar
Iyo maguurtada Afgooye
Mareereey iyo Cumar Beere
Mubaarak iyo aw dheegle
Meeshayni iyo jannaale
Marka cadeey minin aw usmaan
Mudun baraawe iyo jilib
Magaalada kismaayo
Maayo fuulka baydhabo jinnaay
Madhaayti iyo mooro gaabeey
Magaalada xudur iyo waajid
Madarki baladxaawo
Iyo magaalada garbahaareey
Mandheere iyo makaankii bu'aale
Ma is-hurtooyinka ku nool
Mataanaha Soomaaliyeedoow
Maandeeq waxay tiri
Meel nabad aan ku dhalaan rabaa
Macalimiinta mutacalimiinta
Mushayqiinta Mu'lifiinta
Madaxda duubabka
Mas'uul iyo shicib
Maalqabeen iyo muruqmaal
Moos beer falatooy
Madiidin xoolo jir
Mushtar iyo maanyo kaluumayste
Mataanaha Soomaaliyeedow
Maandeeq waxay tiri
Meel nabad aan ku dhalaan rabaa
Midi midi ku taag iyo
Muran qabyaaladeed
Meel halayska dhigo
Mashruucaan colaadeed iyo
Anigaa kaa muruq wayn
Meel halayska dhigo
Mandaqa geeska africa
Madarka soomaali dhammaan
Meel nabad halaga dhigo
Mataanaha Soomaaliyeedoow
Maandeeq waxay tiri
Meel nabad aan ku dhalaan rabaa
3- burburka reeraha qurbaha joogo oo uu dhawr mar la kulmay, oo ay ka mid noqdeen reerka saaxiibkiisa Cumar buu tixdaan u sameeyay si uu reerka marka inay midoobaan uga shaqeeyo. Iyadana wuxuu leeyahay Axmadeey;
"Caruurtii la dhalay iyo caradaa loo marti yahay
Cumaroow caruurta waa Caynaha doogooda iyo
Qalbiga caafimaadkiisa Waa caloosha farxadeeda iyo
Laabta ceeshkeeda
Cumaroow caruurtu waa geed
cusub kasoo baxayoo
Markuu cagaarto guudkiisa
Casir iyo duhur kulul
Caafimaad loo harsanaayo
Cumaroow caruurta waa
Gibil cadkaaga kasoo go'ayoo
Cabaar hadduu kaa maqanyahay
Caloosha ay tabaysoo
Cariiri aad daraymaysid
Cumaroow caruurta waa
Carrada siinadeeda iyo
Nimco caadilkayga na siiyayoo
Maanta adiga aad caawinaysid
Berina iyaga ay ku cayminaayaan
Caana daadiskood iyo
Ciyaaro boodboodkooda
Waa cida nuurkeeda iyo
Waalidka ceeshkiisa
Ma caajisaayo waalidkii
Ciyaarsiinaayo dhashiisa
Aamina cadeey boola
Caanaha labeentooda
Hilibkana cadiintiisa
Allah ya cisak Allah ya cimrak
Caadilkay haku dhaafo
Casir walba ugu duceenaayo
Ee hooyadii caloosha kusoo siday
Carriiriga ugu foolatayoo
Caanaheeda soo nuujisayaa
Ciso iyo sharaf wayn mudan
Iyagoon caqli aan lahaynoo
Cayayaanka cunaayo
Dabka ciribta gelinaayo
Hooyadii soo celcelihaysiyaa
Ciso iyo sharaf wayn mudan
Caafimaadka noloshooda iyo
Carbiska barbaarintooda
Cilmi barasho aqoontooda
Aabihii soo cartamaayiyee
Asna cisi iyo sharaf wayn mudan
Waa baytal canka buut
Gurigii caruur joogin
Cambuusan qamdhariiran
Iyo meel caro ay ka dhammaanaynin
Caddaadis fara badan iyo
Cagajuglayn halaga ilaalshee
Lama cannaantaa caanihi daadshay iyo
Cali waa lama taabtaan yay noqo
Aduunyada waa casri maanta
Caasi waalidayn yay noqonin
Inti cannaad iyo caburin aan ahayn
Haloogu caqli celiyo caruurta
Caaddada iyo dhaqanka suuban
Cilmiga iyo diinta barashadooda
Casir walba haloo caraabiyee
Mustaqbalkooda yaan lagu cayaarin
Colaadada kiciskeeda iyo
Camal shaydaan yaan ka barin
Halagu carbiyo nabad galyada iyo
Inay caradooda badbaadiyaan
Cadawnimo yaan lagu beerin
Caadilkay ka cabsada hala yiraaho
Caswadiina dhawra hala yiraahdo
Diriskiina ciseeya hala yiraahdo
Ee carradaan qurbaha aan joogno
Waalidkii carruur ku haystoow
Intaan lagu cannaanan is cannaano
Ee carruurtaada ku dedaal
Carrurtiisuu xannaanayn waayay
Casirkii lagaaga qaato
Waa waalidka caybtiisa iyo
Aduunyo ceel ku noolaaw
Maxkamadaan u cararaa iyo
Cadaalad xumaa laygu sameeyay
Caku shalaytadaydaay
Calaalacal wax makuu qabahaayo
Carada aan nimid maanta
Carruutaan garaacaa iyo
Hooyaan canka ka dharbaaxaa
Cashirkeeda ma dhigaayo
Cishriin sanaa lagu xeraa
Ama cimrigaaga nuskiisa
Sidaad u calaacalaysid
Cambe cambaad noqonaysaa
Aaboow caqligaaga
Hooyooy camalkaaga
Carruureey danahaaga
Cida haloogu adeego
Ama caradooda u dhoofi
Cooskii caggaarka badnaay
Cusubki iyo doogii carfoonaay
Caano geel haku cabaano
Casirki shalay tagay
Caawo iyo maanta
Cimiladooda waa kala duwanyihiin
Cumaroow caruurta soo celi
Hooyadooda caleemo saar
Caaliya raali noqo dheh
Caaliyo aan is cafino dheh
U codeey kalgacaylka
Caashaqana ha noolaado dheh"
-Tixdaan ka dib reerku dib buu u midoobay.
4- Duco:
"Cajab iyo cajaa'ib
Aduunyo camal wareerkeeda
Cawo baasoow daran
Cibaado iyo layaab
Colaado sukeeye
Cuudubillaahi minashaydaani rajiim
Casiisoow naga ceemiyee
Cir nabad dhul nabad
Caradeena ka yeel
Umadeena isku calool fiyoobee
Calankeena buluug
Cududiisa noo raaji
Carriiriga iyo dhibaatada
Culayska maanta na saaran
Caadilkay hanaga dul qaado
Ummadda ha isku caloo fayoobeeyo"
5- Tix dardaaran:
"Galbeed iyo bari
Gees ka gees aduunyada
Gabgabo colaad iyo
Gawrac sokeeye waa dhacaa
Gaalo iyo islaan
Ummadda waa is gashaa
Gogolna waa lagu heshiiyaa
Ee goor walba haddii
layska aar gudanaayo
Guud ahaan aduunyadaan
Gabar ma joogi lahayn
Ee geeska afrikada bari
Soomaalida gudaheeda
Goobtii geerida maxaa ka dhigay
Goor walba guummayska ooynaayo
God bahaleed maxaa ka dhigay
Oo giiroow shabeel
Iyo goojiga waraabe
Kugu gummaadaayaan
Gob miyaan noqon karinn
Go'aan iyo heshiis gaari karin
Ruuxii gibil naxaayoo
Gacalnimada soomaali gubayso
Maanta goba' ma yaalee Gurmadoo kaca
Goodka libaaxeed
Nin galadiyo nin gammaayo
Waa kala gartaa
Ummaddii go'doontayoo
Gaajo iyo haraad ay gabagabeeyeen
Ninkii u gargaaray Iyo
ninkii gawrac ku jiiday
Waa u kala gudboon yihiin
Ee geedkii ballaaranoo
Guudliisa cagaar badan
Lama gaar maraayee
Guntiisaa la harsadaa
Ruuxii garaad suubanoo
U gargaaraayo ummaddiisa
Weligiis guul ma waaye
Eebbaa garabkiis galaayo
Galab galab aduun iyo
Goob ku ciilnaww badan
Guuldarro waxaa is kale
Qofkii gacantiisa gooyay
Gibilkiisa waxaa cunay
Ninkii gawracay walaalkiis
Labada gurina ebedkiisa
Libin kuma gaaraayo
Waa go'day Soomaaliyeed
Gacalkaaga waa martay
Dhag xumada ka gilgilee
Go'aan gobnimo lahaaw
Gabogabo colaadeed iyo
Geerida sukeeyaheena
Guul nooma keenaysee
Go'aan gobnimo lahaaw
Is gaadgaadka siyaasada iyo
Goonigooniga reer hebel
Guul nooma keenaayaan
Go'aan gobnimo lahaaw soomaaliyeey
Gambarka laysku haysto iyo
Maandeeq guursigeeda
Ninba markiisa ha geeyee
Go'aan gobanimo lahaaw soomaaliyeey
Anaa geesi ahaa gambo wayn
Haddii gambarka lay diido
Qoorta gaw iyo gash ma leh
Ninka ku goodinaayoow is gaabi
Anigaa gacmo dheeraa
Geela aad u lisi aqaan
Haddii gannuunka lay dhiibin
Goobta gaw iyo gash maleh
Ninka ku goodinaayoow is gaabi
Good libaaxaan ahay
Giiroow shabeelaan ahay
Qof walbaan gambarka
La gedin karaa
Ninka ku goodinaayo
Adigana is gaabi
Garriir cadaa geeska ii saaran
Guummayska ooynaayo iyo
Ummaddaa gubanayso
Maxaa iga galay
Ninka ku geeraaraayoow
Adna isgaabi
Godgodka biyo neef
Ceelka gambooleyn ku yaal
Caradeena gogol ma doonto
Ninka gadan raboow
Lama gadaaye is gaabi
Goofkeena beeree
Galayda iyo masagada ku taal
Gacanta moos gaar jiifto
Lama gadaayee
Ninka gadi raboow Isgaabi
Hasha gaafanoo wada gaafan
Giireeyda lo'aad iyo
Arigeena gaagaaban
Geenyadeena baroobanoo
Geesiyaasheena ku duulaayo
Ninka gadan raboow
Lama gadaaye isgaabi
Maanyadeena garaarta dheer
Ee nimcadeena la guuxayso
Oo guulahayga barwaaqeeyay
Galaas batrool aan laga shubin
Lama gadaayee
Ninkii gadi raboow isgaabi
Soomaali waa geed iyo mirihiisa
Waa gannuunka iyo caanihiisa
Soomaali waa garab iyo gacantiisa
Ma kala go'aysee
ninkii soomaali kala goyn raboow
Adna is gaabi"
5- Heesta "Kaama maarmiyee"waxay ku jirtay Riwaayadii kibirkii beertaa karfan saaray jaceylka, waxaana wada qaada: Maxamed Shamuuri(AHUN) IYO Siteey qosol wanaag.
Beydka koowaad (Shamuuri)
*****
Aaaaaaaaa!!!
Mugdi habeen iyo
Maalin dhaaxaa
Kuu meermeerayee
Malableey nafta ku maagtay
Kaama maarmiyee
Ii soo maciin
Martidaa lama moodo
Waa la macsuumiyaaye
Maradaa iigu duubee
Ila maamul caashaqa
KOORIS
****
Maal iiga hoo "maya "
Aan ku mehersadee "maya"
Marwadeey ahaaw "maya"
Beydka koowaad (Siteey qosol wanaag)
******
Aaaaaaaaa!!!
Maansada iga dhaaf
Ma maqlaayi maadaa
Muraadkaa diidayee
Mid kaloo malaa'igteey iyo
Miirka raacaayaa
Maal iiga roon
Meel walbo ka muuqo
Waa lagu muuno beelaa
Muxibada miir u yeelee
Miisaami caashaqa
Beydka labaad (Shamuuri)
Hooooooooy!!
Maryooley lee tahee
Mukulaal agoon ii
Miskiin meel aan laheyn
Maqaan weyn inaan ku geeyaan
Kuula maaganee
Is macneyska dhaaf
Ma sugtooy meher aan laheyn
Mininkeeda ka roortooy
Maslaxadeeda moog aa tahay
Maanyo qaadayee
Beydka labaad (Siteey)
Aaaaaaaaa!!!
Muun daanyeer ahaan
Is maroojisa iyo
Malaaq iska soo dhigtaa
Maangaab maskax laheyn
Mal-malaa tahee
Oo aan maceyn
6. Heesta "wed loo filaa wali nool " waxa ay ku jirtay Riwaayadii "Kibirkii beertaa karfan saaray jaceylka" waxaana wada qaadaayay hobolada kala ah: Cumar Nuur Baasharax iyo Siteey Qosol wanaag.
Beydka koowaad (Baasharax)
******************
Wed loo filaa wali nool
Waali geel wardheer jiraad
Wanlaweyn ku weydisee
Is wareysta adi iyo waalidkaa
Waqtigu ma waaree,waligaa ogaaw
Ninba waayihiisaa,walo loo tumaa.
KOORIS
*****
Wacadkii jaceylka
Haddaad webi ku tuurtay
Warkaan,waraa ka sugaa
Wariiqa yeeraayo
Beydka labaad (Siteey)
**********
Wareerka waqtigaa keenayee
Wareey adduunyo waayaheeda
Wanag iyo xumaan waxkastaa la arkaaye
Weer-weerka dhaaf
Wehelkii nafteydoow
Wacadkii jaceylka
Wadnahaan ku wadaa.
Heesaha riwaayadii Kibirkii beertaa karfan saaray jaceylka;
• Heestii kaama maarmiyee (Malableey).Maxamed Aadan Shamuuri iyo Siteey qosol wanaag.
• Wed loo filaa wali nool ( Cumar Baasharax).
• Gedisleey jaceyl gadeyso ( Aweys khamiis Cabdalla iyo Madiino Cabdi Cali)
• Karakaja (madiina Cabdi Cali iyo Aweys khamiis Cabdalla)
• Ha sheegsheeginee shuuteeya caashaqa ( Axmadey Abuukar Al camaari iyo Siteey qosol wanaag)
• Nuurto jeelow (Aweys Khamiis Cabdalla)
Laashin Axmadeey wuxuu hadda ku noolyahay Eebbe cimriga ha u siyaadiyee dalka Norway, waxaa u joogo ifka oo uu isagu dhalay hal wiil iyo xaaskiisa oo ku nool Cumar Beere oo ah tuuladii uu ku dhashay.
W/Q: Cumar Dheemow
17. June. 2022
Comments
Post a Comment