Abshir Bacadle, Q2. (1946-2010)

Markii meesha laga saaray Kacaankii Luggooyo, Abshir waxa uu kamid ahaa abwaannaddii faraha badnaa ee dareenkii faraxada ahaa ee Bulshada ka gabyay. MSBarre oo ay dhawr xubnood oo garaad, aqoonyahay iyo dadkii caasimmada isugu jira u tageen si uu bal dagaal la'aan kursiga u baneeyo, soona deyriyay oo saliga kaga istaagay wixii uu afkaas ku fahmi waayay, af uu yaqaan oo dhawaqa rasaasta ah loogu sheegay, waxa uu abwaanku leeyahay; "Sidii odayga loo galay haddaan gaw mar kaga siiyo Gallad wuxuu ku noolaadayuu libin ku geeraaray Geyigaan ku noolahay wuxuu gabangabeeyaaba Wuxuu guluf colaadeed diroo nabad ku goohaaba Wuxuu gees baciid noo mudoo gogol ku sheegaaba Garaad iyo imaan iyo wixii culimo loo geeyay Garcad iyo salaadiin wuxuu gogal ku ciideeyay Gaashaanka wuxuu nagu dhiftee gacanta noo seyray Waxgarad iyo aqoonyahan markuu gubay ee uu laayay Gudigii maanafeystada markuu dib u gantaaleeyay Gummaadkiyo xasuuqii markii laga gilliilyooday Gardarraddiyo kibirkii markii geeri ...