Cabdulle Raage Warsame Taraawiil (1934-2000)


Cabdulle Raage Warsame Taraawiil, wuxuu dhashay 1934 si lamid ah Buuni Kaddare oo aan hore uga soo hadalnay. Wuxuu ku dhashay Degmada Ceeldheer ee gobalka Galguduud, wuxuuna ku barbaaray degmada Ruunirgood ee Shabeelaha Dhexe. Aabihii waxa uu ahaa af-maal iyo hoggaamiye dhaqameed. Waxa uu laashinnimada kabaheeda gishtay isaga oo 15jir ah, wuxuuna ku tababartay oo ay tixo isku tirsheen Aabihiis. Waxaa sii abaabiyay abwaan Aw Jimcaale Dhegataag isaga oo ka idin qaba abwaan Faarax Shuuriye AHUN. 


Allaha u naxariistee Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil waxa uu ku biiray Xisbigii Libaraale ee uu Guddoomiyaha u ahaa Allaha u naxariistee Xaaji Maxamuud Maxamed Baraako, isagoo gubaabin jiray taageerayaasha Xisbiga, sidoo kale wuxuu Abwaanku ku biiray Idaacadda Raadiyo Muqdisho, waxaana lala yaabay kaalintii uu ka qaatay munaasabadihii loo sameeyay Xorriyaddii iyo Calan-saarkii Soomaalida 1960-kii taas ayaana u sahashay inuu ka mid noqdo shaqaalaha ugu firfircoon ee Radio Muqdisho, inkastoo caqabadi meeha ka marnayn.


1956 ayuu guursaday xaaskiisa Madiino Maxamuud Fadhiye, waxaa ka dib lagu xeray Ceeldheer, waxaana loo soo wareejiyay Muqdisho si loo maxkamadeeyo, wax dambi ahna waa lagu waayay. Intii uu xabsiga ku jiray waxa uu tiriyay gabayga "NUS JANNO" oo uu ugu talo-galay xaaskiisa Madiino Fadhiye ka dib markii uu goob joog u ahaa rag badan oo markii xabsi loo taxaabay xaasaskoodii is fasaqeyn oo rag kale guursaday iyo qaar aan booqanin raggoodi ama warqadoodii ka dalbaday dhibta iyo culaabtana aan la xamaalin, maadaama Madiino sidaas ka duwanayn oo ay la ximbaaratay culaabtii xabsiga ayuu mar ay kusoo booqatay xabsiga gabaygaan oo dardaaran ah u mariyay, waxaana kamid ahaa erayadii berigaa; 


*Nus jannaay nimcaay ina abtaay nabad galoo waar

*Nikaaxaagi waa lugu najaxay naaqus ma ahayne 

*Mana nasiib xumeyn maalintii leygu kaa nudaye 

*Nacas iyo ninkii qabayse xabsiga weysku nacayeene 

*Negeeyaay nadaamka ha beddelin oo yaanan kaa nixin! 


Wuxuu ka qayb galay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itooobiya 1964, wuxuuna ka helay abaal marino dhawr ah. 1968 ayaa waxaa loo magacaabay "Radio artiste" oo kulminaysay Radiyoo walaalaha Hargaysa iyo Muqdisho. Wuxuu intii halkaas joogay tiriyay gabayo dhawr ah sannad kadibna wuxuu kusoo noqday Xamar oo loo magacaabay gudoomiyaha guddiga shaqaalaha tiyaatarka qaranka oo hoos tagayay wasaarada warfaafinta. Waxay isku dhaceen mqareeyaha guud ee tiyaatarka xilligaas Gen. Maxamed Nuur Xasan Shareeco, wuxuu ku dacweeyay madaxweyne MSBarre kulan ay madaxtooyada kuwada yeesheen markii lagu qasbay inuu saxiixo hanti dawladeed, ka dibna waa uu iska casilay xilkii gudoomiyennimo. 


Abwaan C/lle Raage wuxuu ahaa Gabyaa caan ah, jilaa si aad ah loogu diirsaday jilliinkiisa, waxaa ka mid ah Riwaayadaha lagu xasuusan karo (Shabeel Naagood) oo uu isagu Aktar ka ahaa uuna lahaa Abwaan Xasan Sh. Muumin, (Yaxaas Dhegaduub) oo uu lahaa Sangub, (Dhagax iyo dab) oo uu lahaa Cali Sugulle iyo Riwaayado kale oo aad u fara badan. Waxuu ka qeyb noqday bandhigyo caalami ah sida kii Lagos-Nigeria oo uu kaalinta koowaad ka galay, gabaygii uu kusoo bandhigayna waxa uu magaciisu ahaa Dhambaal. 


Wuxuu kamid ahaa abwaaniin soomaaliyeed kuwa ugu caansan, fanka iyo hawlihii hormarinta afka Soomaaligana kaalin mug leh ka qaatay. Markii afka la qoray ka dib ayuu tiriyay gabaygii ahaa: 


• Labaatan iyo labo aamustiyo, shaqal irmaaneeya

• Amran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge

• isku dare xiriiriye falkaab, erayadeennii ah

• Ebyan iyo haddaan magac u yaal, ku arkay joornaalka

• Mar haddii afkeygii la qoray, Aabe iyo Hooyo

• Mar hadaan amaahsigii ka baxay, lagu ogoontoobay

• Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye

• Amiirnimo sin iyo garab jirteey, nagu abuureene

• Afafka qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibay

• Anaa macallimoo raba dad loo furo iskuullaade. 


Waxa uu caan ku ahaa maamuus bulsho, xaq u hiilin iyo dagaal joogto ah oo uu dulmiga kula jirray, kadib maamulkii musuqmaasuqa ilaa markii MSBarre meesha laga saaray ee jabhadihii yimaadeen. Maahayn dhuuni raac maansada ku dhuuni raaca, waxa uu mar weliba ka tarjumi jirray dareenka iyo guuxa bulshada, ra'yigiisa ayuu ku cabiri jirray mug walba haba qaraaraatee. Markii kacaanku dhashay waxa uu tiriyay gabayo soo dhawayn ah, wuxuu tilmaamo kasiinayay tacadiga ka jira gobolada iyo degmooyinka, 10 sano kadibna si toos ah ayuu kaga horyimid. 


Gabayadii uu u tiriyay maamulkii xumaa ee Kacaanka, kadib markay u adkeysan waayeen waxaa loo taxaabay horaantii 1980 xabsiga, aad ayaana loogu jirdilay xabsiga taasoo keentay inta hartay xabsiga inuu Digfeer ku dhammaysto. Markii uu xabsiga soo dhammaystay MSBarre ayaa labo askari usoo diray, waxa uuna weydiiyay waxa uu ka codsanayo Kacaanka, waxa uuna yiri; "in ka badan 30 gabay ayaan kugu ammaanay, 5 ilaa 7 gabay oo aan dan jirtay ku tilmaamayay ayuu kacaanku u adkeysan wayday" intaa kadib MSBarre waa uu baxay, mar uu 2 saac sii maqanyahay ayuu bannaan usoo baxay abwaan Cabdulle markii uu ilaalada warsadayna waxay u sheegeen in uu daal la seexday, haddii uu ka codsaday inay gurigiisa ku celiyaana, inaysan fasax u haysan ayay u sheegeen kadib in ilbaabka ka furaan ayuu ka codsaday, wuu kasoo tagay. 


Qaar kamid ah Gabayadii ugu caansanaa ee abwaanka, oo aan dhammaystirnayn ayaan hoos idiinkula wadaagayaa; 


1. Waxaan ku bilaabayaa gabaygii "Duqa haloo sheego" oo uu abwaankuu run layska indho saabay shaashka kaga qaaday, waxaa kamid ahaa erayadiisa; 


• Dacalkaa Hargaysiyo Burciyo degelka Laascaano

• Daantaa galbeed iibku waa nin iyo dooqiiye

• Dulmi Xamar ku sinanaa jiree Duqa ha loo sheego!

• ........

• DEE iyo WARYEE niman lahayn diintana an caayin 

• Dowladdana an lacagteeda xadin dad uma heystaane

• Diiwaanka taariikhda waa laga daboolaaye

• Daldaloolka meeshaa ku jira Duqa ha loo sheego!

• ...

• Dalladdii Kacaankaan nihiyo danab ma leexdaane

• Inaannaan danjirayaal lahayn dibadda noo aada 

• Dikritoorna uu nugu yaryahay Duqa ha loo sheego!

• ...... 


Gabaygu aad ayuu u dheeryahaye wuxuu ku soo gabaggabeynayaa:

• 

• Dal nimaan u dhalan ee la yiri dul iyo hoos maammul 

• Haddoow dunida xeer baw degsane fuliyo koow doono

• Dembigaas waxeyska leh ninkii daallin wax u dhiibtay!!!! 


2. "Astaan qaran" waa gabay dardaaran ah oo uu abwaanku talo qaran ku bixinayo, waxaa kamid ah erayadiisa; 


• Asluub iyo haddaan sharafi jirin, aaminna xumaaday

• Aadaabtiyo xishoodkii, haddii lagu ugaaroobay

• Aargoosi reer hebel, haddii laysu aaneeyay

• Ee ruux aan eed gelin, rasaas lagu asqeysiiyey

• Afdabeed ninkaan wadan, haddii aqalka loo dhaafay

• Afadiyo haddi laysu maray, inan wixii joogay

• Waanadii akhyaartiyo wacdigay, culimadii oogtay

• Ilaahay xaquu faray haddii, la ag mareen dhaafnay

• Maxaan gabayga ugu oomayaa, ma aqbalayaane.

• Astaan Qaran Midnimo waa, inay ka ambaqaaddaaye

• Asbaab dowladeed waa, shacbigaa urursanaantiisa

• Israac waxaad ku weydaan, khilaaf ku arki meysaane

• Gobonnimo sifaha loo unko, ee lagu adkeeyaahu

• Isaaq iyo Hawiyaha ma aha, iyo Irir iyo Daaroode

• Aqoonyahanka wax u soo bartiyo, ogaha taariikhda

• Odayaasha xeer-beegtigiyo, geed ka arrinshaaga

• Kan abuurka beeraha, xilliga aad u garanaaya

• Agaasimaha xoolaha jira, ee lagu ammaanaayo

• Waa inay afkaar iyo, xikmado kala ammaahdaane

• Akhris kii ku roon iyo, midkay orod bidaayaanba

• Ujeeddadu Alle iyo hoortii, waa inay ahaataaye

• Istaatistikada tirade guud, xoogga adduunka

• Kan Ameerikaa sida la yiri, ugu awood weyne

• Kontonkaa Isteyt qeybintay, dhib u arkaayaane

• Afartaan milyani doonayaan, wayla amakaag.


3. Qof-u-yaal oo soo baxay 1980, waxa uu kamid yahay gabayada mucjisada ah ee abwaanka laga hayo, waxaa iyana kamid ah; 


• Ayagoo qabiil fidinayeey qaran u heesaane

• Qoraaleey ku been sheegayaan qodob an loo hayne

• Qallooceey fidshaan xaqana waa kugu qabsaayaane

• Qumbaa leygu maaweeliyaa qado la'aaneede

• Qarka waxaan ka taagnahay xareed waana qadayaaye......

• Waxaa fajac iyo fara-taag k ugu dhacayaa markuu soo gaaro:

• Qarashaan sixiixaa anoon qabihi weydiine

• Qumbaan waardiyeeyaa nin kale qaaddadaw sido,e

• Qof-u-yaal wixii loo dirtaba qaabbilaan ahaye 

• Qabuuraha waxaan uga duwnahay qolofka muuqaahe

• Qosolkeeyga farax haw maleyn qaan ka cararkaahe!!!!!!!.. 


4. Marmarsiinyo hadal. 


Waa gabay jawaab u ah tixdii "Maruuryo" ee Khaliif Shiikh Maxamuud. Abwaanku wuxuu leeyahay: 


• Marmarsiinyo hadalkaagi, iyo meel ka dhicidaadi 

• Gabayadi macluusha u badnaa, maqallay Jaalloowe 

• Anigoon middaa iyo mid hore, kala micnayneynin 

• Haddaad meherad leeday waqtigu, waa ku soo maraye 

• Mindida daabka adigaa qabsaday, maalintii hore'e

• Gobannimo mudnaanteed haddii, lagu mihiibsiiyey 

• Halkaan maamul loo siman yahay, ee mida ka dhawraynay 

• Maandeeqdi noo curatay baad, maashay keligaaye

• Annagoo minja-caddaanay, ee nalagu maadeysto 

• Meleg baas adinkoo nagu hayee, meydku tira dhaafay

• Milliterigu waatuu saq-dhexe, kaa maroorsadaye 

• Macbuudkii na kii dhaafiyaan mahadineeynaaye 

• Mus ka soo dhac iyo caydu, waa meheraddiinniiye 

• Idinkoo marsaday xeeryaha, een marax idiin oollin

• Haddana inaad maxlalo doontahaan, maanka ka arkaaye

• Maansada masala-gaabka, iyo mala carruureedka 

• Malxiiskaan mashxaradda u tumeen, marin abaalkeedi

• Adigoo muruxsan oo qaawan, aa meel lagaa helaye 

• Maraay aa lagaa soo dejiyey, maalin duhurkiiye 

• Markhaatina waxaa lagu hayaa, maqalya taariikhe 

• Adigoo maqaar bahal eh, iyo aadmi madixiisa 

• Markaan ku arkayaan kaa samray, oo kaa mural jabay

• Murdisadi aad iga taabatay, aan mayray toban jeer 

• Marjafkii ninkii kaa jaree, marada kuu iibshey 

• Markaad dheregto inad caydo, waa garac maqaankii

• Mushkiluu dhaxlaa ruux kastee, wacal masruufaa 

• Ninka magaca Soomaliyeed, midabbaduu yeelay

• Waa nimaan minhaaj iyo ku dhalan, meher xalaaleed 

• Oo aan mufti iyo hooyadii, macallin loo geyn. 


Labo hal qabsi oo kamid ah hal qabsiyada badda ah ee abwaanka; 


1. Aadmiga haddaad shaay udgiyo edeb ku sooryeeydo

Waxa saxaradiisu u urtaa waa abaal xumo!

2. Haddii doonta uu saaranyahay dacalka loo yoogo 

Dabaal kuma fakado Eebbeheey ruuxow dilayaa!!!!! 


Ka geyoon mayno suugaanta abwaanka, adoo meel degan fadhiya una muraaday bay ku wanaagsanaan lahayn inaad la haasaawdo. Gabayadiisa qaar kamid ah halkaan ka dhagayso (https://youtu.be/lFV0xDUXa8U) 


Allaha u naxariistee abwaanka waxa ay tii Alle ugu timid Muqdisho Maarso 2000, waxa uuna ifka kaga tagay Xaas, Caruur iyo Sooyaal gadaashiis toobiyaha wanaagsan dadka ku duwa isagana uu ka ajar xisaabsado. 


Tixraac; 

https://youtu.be/HYR0PWXMAxQ


-Cumar Dheemow

-05. Feb. 2022

Comments

Popular posts from this blog

Waxbarashada Soomaaliya.

Mashruuc aqooneedka I. M. Lewis.

Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!!