Cervical Cancer [Kaankarada afka Ilmogaleenka]


 Kaankarada afka Ilmogaleenka (Cervical Cancer) waa kaankaro ku dhacda afka ilmogaleenka, wuxuu safka hore kaga jirraa cudurada ama kaankarooyinka dumarku u dhintaan. 570,000 oo kiisas cusub ah ayaa la diiwaan geliyay, waaxaan u geeriyooday 311,000 aduunka oo dhan oo ah in ka badan boqolkiiba 50% sannadkii 2018. 


Walxaha saameeya ama siyaadiya suurtagalnimada kaankaradaan ay qofka ugu dhici karto waxaa kamid ah; degdega guurka in ka yar 18 jir, dabeecada galmada oo siyaada (guur badan iyo ilmo badan oo is xigxiga dhalashadooda), bukaan qabo cudurada galmada ku faafa, Kaankaro hore, isticmaalka mudo dheer kanniinka dhalmada ka hortaga, sooyaal qoys oo cudurka ah, sigaarka, awood yari jirreed iyo awoodyari dhaqaale. Waxaa sababa kaankaradaan inta badan faracyo kamid ah kuwa Human Papilloma Virus (HPV), wuxuu aad ugu badanyahay wadamada soo koraaya oo uu dalkeena kamid yahay. 


Bilaawga cudurka inta badan calaamado malahan, calaamada dib laga arki karo waxaa kamid ah; dhiig ka yimaada xubinta taranka, dareere ur wata oo ka xubinta ka yimaada (wuxuu noqon karaa dareerahaas Biyo ama Malax). Marka uu waynaado ama uu faafo cudurka waxaa lagu arkaa xanuun miskaha ama simanka ah, dhabar xanuun cadaadis wato. 


Dhanka wanaagsan ee xogta cudurkaan waa inuu leeyahay maadama uu intiisa badan Fayrus sababo Talaal (HPV Vaccine) lagulana taliyo in wiil iyo gabarba la siiyo marka ay da'doodu tahay 9-14 sano, sababta igaarta (wiilasha) loo siinaayo waa in inta badan in Fayruskaan deegaansado xubinta taranka ee ragga. Faracyo kamid ah Fayruska ayaa sababa Xonqorta kasoo baxda oogada jirka (Maqaarka), waxaad marka garan kartaa masaafada Fayruska iyo inaga noo dhaxaysa. Waxaa sidoo Eebbe mahadiis ah in la heli karo baaritaan ka hortag ah oo lagu ogaado in cudurka jiro, inaanu jirrin iyo is badalka afka Ilmogaleenka oo ay dumarku maraan dhawrkii sannaba mar (Pap Smear). Baaritaankaan ama Test-gaan wadanka waa laga heli karaa hadda; dumarka da' dhaxaadka ah, kuwada guursaday iyo xitaa gabdhaha aan weli guur marin ayaa aad loogu taliyaa inay maraan dhawrki sanaba mar (ka hortaga ayaa ka wanaagsan daweynta). 


Wax xog ah lagama haayo heerka cudurkaan ee dalkeena, walow dhaqaatiirtu si gaar gaar ah u arkaan cudurka. Markaad fiiriso baraaruga bulsheed oo liita ayaa laga yaaba in qisooyinka cudurka dumar badan u godgaleen, gubniin iyo waxaan cilmi ku saleysnayn oo lagula kacay, waqtigana ku raajiyay awgeed. 


Isku imatinkaan lagaga sheekaysanayay cudurkaan waxaa Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed faraceeda ku yaalo KM4 ku qabtay Xafiiska Caafimaadka Naadiga ardayda jaamacadda ummada Soomaaliyeed, waxaa soo jeedinayay Dr. Cabdikariim Axmed Maxamed. maadaama aan ka qeyb galayna waxaan gaclooday inaan idiinla wadaago warbixin guud ee cudurkan ku saabsan. 

Adiga iyo reerkuba dhawrkii sannaba mar Pap Smear mara, Eebbe ha idiinka badbaadshee.


-Cumar Dheemow

-11. Jan. 2022


Comments

Popular posts from this blog

Waxbarashada Soomaaliya.

Mashruuc aqooneedka I. M. Lewis.

Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!!