Dr Xuseen Sh Axmed Kaddare (1934-2015)
Dr. Xuseen Sh Axmed Kaddare waa af yaqaan kobo ku darsaday hayaanka af qoraalka iyo hindisiiha, kaalin wayna ku leh heerarkii uu soo maray, waa qoraa iyo Laashin. Kadare wuxuu dunida Eebbe kusoo biiriyay 1934, wuxuuna ku dhashay Caddale oo ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe.
Waxbarashadiisa Xuseen sida sunnada ah oo ay waxbarashada Soomaalida ku bilaabato, rukni kamid ah hayaanka wax barashadana ah wuxuu ka bilaabay barashada Quraanka kariimka, sidoo kale Xernimo ama ka bowsiga fadhiyada diimeed ayaa sal u ahayd hayaankaas. Sagaal jirkiisa ayuu Kadare Xamar usoo gudbay si uu wax barashadiisa halkaas uga sii wato. Dugsigiisa hoose waxa uu ku qaatay dugsiga Macalin Jaamac oo loo yaqiin Seeraale, kuna yiil agagaarka tiyaatarka qaranka. Dugsigiisa sare waxaa uu ku qaatay dugsi dowladeed oo ay baadiriyiin xilligaa joogay macalimiin ka ahaayeen. Waxaa uu sidoo kale waxbarashada fogaan dhawfka wax kaga bartay British territorial Collage. Jaamacaddii Ummadda ayuu Baaj afafka ah ka diyaariyay intii aanu isaga macalin ka noqon.
Jaamacadda kahor Xuseen waxa uu ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, waxa uu na ka ahaa xiriiriye barnaamijyada soo qabta. Ciyaaraha hidaha iyo soo saarista barnaamijka dhaqanka ayuu ku bilaabay. Intii uu howshaas waday waxa uu madax u noqday koox fannaaniin ah oo ay kamid ahaayeen Galays, Gudduudo Carwo, Joof, Laangare iyo Cali Jareere. 1969 ayuu geeyay waraaqda ka tagista shaqada si uu kursi xildhibaanimo Caddale uga doonto, waloow uusan u tartamin kaddib u muuqashada ifafaalo uusan gacloon.
Codsi raadiyaha ah, daadihinta barnaamijkii dhaqanka ayaa u yimid, dib ayuuna ugu laabtay shaqadii warbaahinta. Intii uu shaqadaas waday waxa uu isugeyn ku sameeyay 11 urur dhaqlinyaro, kahor isugeyntaan isaga ayaa hoggaan u ahaa koox riwaayadaha soo saarto oo la dhihi jirray Campania artistica Centrale Somala.
Nin wax kaga dara maahayn e', waxaa ay Kadare ugu baxday kadib markii magacaas Kadare uu ku jilay riwaayad 10 habeen oo ay socotay habeen kamid bar noqon magaceeduna ahaa "nimaan joogin ma jiraayo". Kadare waxa uu ahaa af yaqaan Laashin ah, suugaan-dhaadhi Shiribka soo tarmin yaqaan.
Raadinta hindisaha far Soomaaliga oo ay bilaawgeeda lahaayeen culimadii xilligaas oo uu sheikh Uways kamid ahaa, waxa culimadaas af Soomaaliga ku qori jireen far Carabi oo ay iyagu marka ay dib u akhrinayaan ku adag fahamkeeda, waa halkaas halka hindisaha baahida far ay Soomaalidu yeelato kasoo dhaqaaqday.
Faryaalkii ugu horeeyay ee dhashay waxaa hoggaan u ahaa fartii Cusmaan Yuusuf Keynadiid, oo xafiisyadii Leegada sirta laysugu qori jirray xilligaas. Kaddare AHUN waxa uu bartay Fartaas, waxaana kaga soo baxay dhaliilo ay tahay in laga gudbo, labo dhaliil ayuu kusoo koobay; koow oo ah In fartu aynaan ahayn mid isku dardarmaysa marka la qorayo iyo labo oo iyana ah in Y-da iyo Woow-ga ay marna xaraf noqonayaan marna shaqal. Waxa uu sameeyay far isku dardarmaysa 1952-dii iyo madbacad uu ka sameeyay geedka Wabka la yiraahdo, inta qoray 22 xaraf ka aslay, KH ayuu ka tagay Kaddare oo uu u arko inaynaan annagu lahayn walow dib guddigii far Soomaaliga kaga soo dareen.
Sannadii 1958 waxaa guuxa dad waynaha ku dhex tartamay fararka Cusmaaniyada iyo Kaddariyada, tartankoodaas waxa ku sameysmay guddi far Soomaali ah oo uu hoggaan u noqday Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo Hargaysa looga yeeray, 9 ruux oo uu Kadare kamid ahaa ayaa loo magacaaway guddigaas. 17 shardi ayay sameeyeen guddigaas oo lagu aqbali karo fararka dib ka iman doona, waxaa shuruudahaas buuxiyay 4 far (Cusmaaniyada, Kadariyada, Carabiga iyo Laatiinka). Farta laatiinka ayaa kaalinta koowaad gashay maadaama ardaydiina yaqaanaan, makiinadihi iyo madbacadihi dalka yaalayna laatiin ahaayeen Soomaaliduna awoodooda dhammayn in ay sameystaan makiinado iyo madbacado far cusub ah, Kaddariyaduna labo ayay noqotay. Culimadii ayaa mudaaharaad sameeyay, iyaga oo ku hadaaqaya "Laatiin laa diin", kacdoon kaas dartii ayuu Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ku joojiyay dedaaladii far Soomaaliga, isaga oo diidan in Soomaalida curdinka ah khilaaf ku af bilaawdo. Xilligii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Raysal-wasaaraha ahaa ayaa qubaro Unesco laga dalbay wadanka yimaadeen, saddex nin ayay soo direen Unesco waxay iyagana xoojiyeen qaadashada Farta Laatiinka sababta kor ku xusan ee awood yarida awgeed, Waxay u hirgeli waysayna waxa uu Kadare ku sheegay in ay ahayd, qaar kamid ah raggii fartooda shuruudaha buuxin wayday ee la celiyay inay ka shaqeynayeen inaan la hirgelin far ay tooda ka maqantahay.
Xilligii kacaan 5 nin oo mid ba far watay ayaa gaargaar loogu yeeray, waxaa kamid ahaa; Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal (markii hore carabi watay, "laatiina" dib ugu badashay), prof. Ibraahim Xaashi oo isna "carabi" watay, Yaasiin Cusmaan Yuusuf Keynadiid oo ah wiilka Cusmaan Keynadiid oo asna "Cusmaaniyada" watay, Shire jaamac oo "laatiin" watay iyo Xuseen Sh Axmed Kaddare oo "Kadariya" watay. Midba mar ayaa loo yeeray. Baabuur oteote ah oo xilligaas dadka marka la xeri rabo lagu soo doono ayaa Kadare gurigiisa lagaga soo doonay, Maxamed Siyaadna loogu geeyay, is wareysi kadib waxaa la warsaday haddii aan tiisa la qaadanin waxa uu ku talinayo, waxa uuna ku taliyay talo ay hore u bixiyeen oo 1958 ah; in Laatiin koow loo qaato, fartiisana labo. Buuggaag wax lagu sii barto diyaariya, xuruufna kama hadli kartaan ayaa lagu amray, buugtii ayayna diyaariyeen.
Qaadashada erayga waxa ay xilligaas dejijeen guddigii far Soomaaliga, in marka hore erayga Soomaaliga ah ee laysla yaqaan la qaato, haddii la waayo in eray ay dadka qaar yaqaaniin la qaato, haddii iyadana la waayo in erayga ajanabiga ah sidiisa lagu qaato, kuna af Soomaaliyoowo qodobka dib laga raacinaayo, sida: Science-Sayniska.
Laashinnimada Xuseen Sheikh, waxaan ka xusi karnaa inuu ka qeyb ahaa Laashinadii ka qeyb ahaa silsiladii la magac baxday Deeleey oo ay hormuud u ahaa; Gaariye, Hadraawi, Idaajaa iyo Yamyam kadib markii uu Maxamed Siyaad ka dalbay inay silsilad suugaaneed bilaabaan, markii ay silsilada meel dambe oo xasaasi ah mareyso MS Barrena uu ka dhex arki waayay wixii uu ka damacsanaa ayaa lagu amray inay joojijiyaan, Xuseen Sh Axmed waxaa markaas meel dhexe u maraysay maansadii labaad ee uu islahaa kaga qeyb qaado silsilada, golihii gabagabada silsilada ayaa uu ka dalbaday in naansadiisa lagu soo af meero silsilada tuducyadii uu ku lahaana waxaa kamid ahaa;
Qabiilnimada yaw dad ah
Oo doonayoo raba
Yaa qareenka daafaca
Ugu deeqayoo wada
Duf iyo baalal kuma yara,
Mana duusho goroyadu
Waagii habar dugaag iyo
Haadu ay dagaaleen
Oo labada daafood
Ciidamada lasoo dumay
Iyagaa lawada dilay
Oo duulba duul yiri
Idingeey dirkiin tahay
Dabaalnimo dabiib maleh
Danbiyo dulsaar maleh
In hadraawi door yahay
Gaariye da' nool yahay
Yamyam daadka webi yahay
Idaajaana darran yahay
Aniguna raggaa darran
Kan u darran ka darranahay
Oo nabadi door tahay.......
Hadraawi oo Xuseen ku tuhmaayo nin magac bixinta ku xeel dheer, ayaa maansadiisa DIBADYAAL waxaa uu ku xusay Xuseen Kadare, waxaa uu yiri;
Halka deyr waqtigu dhigo
Dib baa looga sheekayn
Kaddaraa u magac bixin
Eebbe ha u naxariista waxa ay Dr. Xuseen Sh Axmed Kadare tiisii u timid 1/02/2015. Kadare AHUN waxa uu ka tagay sooyaal iyo aqoon inta ay Soomaali jirto sii jiraysa, Eebbe qabriga ha u nuuriyo. Aamiin
Tixraac: barnaamijka Fool-ka-fool (6-12-2012) https://youtu.be/xU-5yBy-jB0 .
-Cumar Dheemow
-23. Jan. 2022
Comments
Post a Comment