Abshir Bacadle, Q1. (1946-2010)


Abshir Nuur Faarax Wehliye (Abshir Bacadle) waa laashin, Gabyaa gabayga guuroow ka asli karay, maansayahan geeraarka, jiiftada, shiribka iyo badaha kale ee maansada hadba dhankii uu doono dhaanka u raray (ka tirin karay); waa waddaad faafinta iyo difaaca diinta wax walba uu karay u huray Waaxidna wax-warsasho, wanaag iyo wacnaaba u kali yeelay. Abshir Bacadle waxa uu doonta dunnida soo fuulay sannadkii 1946-dii (Dhashay), waxa uu ku dhashay Mustaxiil oo kamid ah Godeey, Somaali-Galbeed Itoobiya. Da'yaraan ayuu ku iladay (xertay) kabaha abwaannimo, reer gabyi yaqaan balse loo dacareeyay gabyaanimada ayuu ka dhashay (Sheekhii deegaanka ayaa gabayga dunuubta ugu waa wayn ku daray, sidaas baa deegaanku gabyaaga ugu yaraa). Abshir sida sunnaha ma dhaafaanka ah ee waxbarashada Soomaalida iyo Muslimiintuba tahay waxa uu halkaas ka bowsaday Quraanka, xernimana waa uu soo maray oo wax buu ka akhristay fadhiyada culuumta diiniga ah, ilaa Sucuudiga ayuu kasoo bawsaday culuumta diiniga. Waxa uu soo kicitamay dhanka Soomaaliya oo uu dhawr meel ay Muqdisho ugu dambeysay kaga  noolaaday. Waxaa aad loogu yaqiinay ganacsigiisa bacadleyaasha suuqa Bakaaraha, waa halka naanaysta magaciisa ku sidkan ee Bacadle ka raacday. Gabayadiisa kuwii ugu horeeyay ee uu mariyay waxa uu Eebbe ku warsaday in ganacsigiisu u bulaalo, waxaa kamid ahaa beydadkiisa; 

"Illaahoow adigaa qaadiroo, qaniyaho wayne

Adigaa Rasaqa qeybiyoo qaarba meel dhiga e'

Nin qaboow ku helay iyo nimaad qaxar ku siisaaba

Qafladaada adigoosan jirin, ruux ku qadayaaye

Illahayoow intaad ii qortayee aniga ii qeybsan

Illaahayoow qaboow iigu sahal, qaadir baa tahyee". 


Abshir Bacadle wuxuu ka gabyay dhibaatooyin ummadda Soomaaliyeed xilligiisa ilaa xilligan haysta oo diin ilaa  dadnimada (qabiil) gaaray. Waxa uu aad uga gabyay waaxidnimada Illahay, qabriga, qiyaamaha iyo sida ay Rabbi in wax lala wadaajiyaa macquul u ahayn. Abshir wuxuu ciil iyo caro u qaaday cid waliba oo cilmiga kala lahaanshiyaha diinta, ducada iyo isku xerka Eebbe iyo adoonka mar ku eedaantay, waxaad gabayadiis qaar ka arki kartaa in abwaanku is adag ula dagaalamay kooxahaas ama firqooyinkaas diiniga ah. Sababta Abshir ku bixisay in ay gabayadiisu diinta iyo towxiidka u bataan waxa la dhihi karaa in gabyaannimadiisa iyo fahankiisa salafiga ah ay mar wada kacaameen  iyo dadka uu kasoo jeedo ama meeha uu kasoo jeedo oo mar qura si isku mid ah looga barto Sheikh Cabdiqaadir Jeylaani iyo Eebbaha koonka abuuray. Abshir gabayadiisa oo intooda badan  daarnaa dhinaca diinta iyo daacinimadda, wuxuu sidoo kale ka gabyay akhlaaqda bulsheed ee aan cidii ku ciyaartaa naftayda un ku ekaanayn ee saamayn taban bulshada ku ah (iska ilaaliya fidnada aan saamaynayn kuwiina sameeyay qura....suuratu Anfaal, aayada 25-aad), wuxuu aad u booriyay in la adkeeyo duljoogtayna bulsho ee diin, dhaqan iyo dowladnnimo. 


Abshir wuxuu aad ugu caan baxay gabayada gaagaaban, nuxurka iyo macnaha ay sidaana dhumucdoodu dhayal lahayn, lana xifdin ogyahay. Gabay kamid ah kuwa uu dariiqooyinka quraafiga ee Soomaaliya ka jira uu kaga hadlay oo aan hoos idinku tusi doono, waxa uu door bidaaya halkii uu isaga oo mutaxan cullimada dariiqooyinka quraafiga ah la harjadi lahaa in uu bal bulshada u daayo halka la saxan oo ay tahay in Illahay waynayntiisa loo daayo ama laga barto. Abshir wuxuu soo tabinayaa dood saxan oo ay ahayd in si cilmiyaysan looga soo baxo ama isaga loogu raaco, inta aynaan gabaygaas isbarbardhiga ah soo gudbin aan isla fiirino beydadka uu bulshada ku leeyahay "ninkii isaga madaxiisa raajin waayay, sidee uu aniga isaga oo dhintay ii caawiyaa?!, bal idinka ma idiin cuntamaysaa aniga waa i cuntami waydaydee", isaga oo ka hadlaaya siyaarada qabuuraha dhibaatada looga ashtakoodo ama deeqda loo jarriyo wuxuuna soo jeedinayaa oo uu leeyahay 

""Nimayahoow waxaan la cajabayee  ii cuntami waayay

Markuu caafimaad qabay ninkii cunayay maalkeena

Oo cudur ku dhacay iyo xannuun caafin kari waayay

Markaan calal ku duuduubayoon, ciida hoos geliyay

Siduu aniga ii caawiyaa ii cuntami wayday" 

Markuu intaas soo jeediyo ayuu haddana waxa uu isbarbardhig u sameynayaa oo matalayaa labo qofood oo midna salafi Eebbe un aaminsanyahay midna quraafi meel Eebbe iyo dadka u dhaxayso taaganyahay, wuxuu abwaanku ku doodayaa in si aad u fahantid sax ama qalad ay wanaagsantahay inaan dhagaysatid, markaana meel ku tawakashid.  Jilaayaasha waa Salafi iyo quraafi, mid walba oo iyaga kamid ah waxa uu gabayga kusoo xerayaa beydad Shirib ah, wuxuu leeyahay; 


Salafi: abidkeed muggeey qalantahoo, qollo agoontowdo

Qosolkiinu wa daranyahoo waad qadarasiinee

Qurbaan awliyaadaa jirraad qiil ka dhigatiine

Qabuuraha loo dirtaa qaaba dhabatiinee

Arooy dalabka quruxsada arsaaq waa naloo qorayee

Shirib; Ma qaadirkaan ka quusanaa

Asaan qabri u qeeshanaa 


Quraafi: ijaasada muggaad qaadatoo lagu qaliifaayay

Qurbaankeena waad cuni jirtiyo qarafadeeniiye

Muggaad xeero qori lihi lahayd walax kusoo qooya

Kurbin qaac garuujeena aad qabac kasiinaysay

Qarsin iyo fandhaal waxaad qaado jabihaysay

Qandigii madoobaana aad hilib ku qaadaysay

Amaad qararamsaysaa la rabay inaad ka qooqdaaye

Qaajadu muggeey kaa hartoo kula qaraaraaday

Qumayoodhinkiyaa ku helay nama qilaafteene

Qashqashaada iga deey ma rabo qeylo iyo doode

Ama magaca aan kaa qoro qolodi kuu dhiibo (Sirdoonki xilligaas)

Qol xunoo waxa jira bidcada lagu qamiirshaaye

Muggeey edeb ku qaataana waa layska qumiyaa. 


Shirib: muggaad qurbaan qashqashteen

Qaranku maydin qabqabteen 


Waxyaalaha lagu xasuusto abwaanka weliba saaxiibadiisa ganacsiga iyo masaakiintii suuqa Bakaaraha waxaa kamid ah inuu dabeecad iyo dadnimo kula noolaa. Waxa uu lacago boqol kun Sh.S ah ka aruurin jirray ganacsatada suuqa Bakaaraha, waxaa suuqa subax walba imaan jirray hooyooyin masaakiin ah oo halkaas ka xammaalan jirray; waxa ay wadan jirreen dambiilo waxa ayna alaabta u qaadi jirreen dadka wax ka iibsada Suuqa ilaa bosteejada baabuurta laga raro. Galabki marka gabaldhaca la joogo oo ay hooyooyinkaas caraabayaan ayuu abwaanka lacagtii uu soo  aruuriyay iyaga oo dambiilahooda dusha ku sita ogaal iyo filashona lahayn lacagta ugu ridridi jirray inyada gadaashooda socdo. Dadkii ay isla ganacsan jirreen waxa ay dhammaantood qirsanyihiin wanaagsanaanta iyo daacadnimada abwaanka. Waxa uu qeyb ka noqday dadkii u istaagay samafalka iyo caawinta dadka masaakiinta ah. Mar abwaanka la waydiiyay inuu bal u gabyay hey'adaha samafalka, waxa uu sheegay hadal u dhigmay "uma gabyin umana gabyi rabo Eebbe haka abaal mariyo, waxaan ka cabsaday in dadku is dhahaan abwaanka xooggoo ayaa lasiiyay".  Waxa uu ahaa Eebbe ha u naxariistee qof ku dareen ah dadkiisa, daw toosintoodana u darban. 


Xilligii Kacaanku wadanka haystay, kama uusan mid ahayn abwaannaddii firfircoonaa ee sida tooska ah u mucaarriday taliskii MSBarre walow uu dhanka diinta wax ka dhihi jirray. Dhawr mar baa lagu eedeeyay gabayo uusan asiga tirin balse mar dambe ayaa la xeray, afar bilood buu ku xernaa xabsiga Hangash ee Nabbadsuggidda kadibna Gaalshire ayaa loo gudbiyay oo lix bilood iyo toddobo casho ku xernaa. Waxaa loo xeray gabay uu u tiriyay Shiikh Maxamed Guuleed Kaarshe, oo ahaan jirey wasiirka arrimaha diinta ee dowladda Maxamed Siyaad Barre, oo lagu eedeeyay inuu dhibaato u gaystay gabdhaha xijaabka xeran ee asturan qaarkood iyo dhilinyarada waddaadada ah sida uu abwaanku qabo. Sheikh Maxamed waxa uu kamid ahaa sida abwaanku xitaa qirsanyahay tahayna culimadii waa waynayd ee kaalinta ku lahaa faafida iyo barashada diinta, Dad aad u badan ayaa ka aflaxay tafsiirkii Qur’aanka Kariimka ee uu Masaajidka Siigaale ee Xaaji Ibraahim Uunlaaye, naxariis janno Eebbe ha siiye. Gabaygaan abwaanka lagu xeray beydadkiisa qaar kamid ah waa habaar uu kala dul dhacaayo sheikha, mana wanaagsanayn in sidaas wax lagu saxo asluubta suugaantuna kuma saxna in caay, aflagaado iyo habaar la murtiyeeyo, waxaase dhihi karnaa gabaygaan oo xilligiisu yahay horraantii Sideetamaadki in aragtiyaha firqooyinka diintu sidaas u kala fogaayeen, oo ay seeftu isugu aslanayd. Gabayga magaciisu waa 'MA QADDARISAY SHEEKHOOW', isaga oo aan dhammaystirnayn waa kan: 


"Wadaadkaa markaa qabatid iyo qolada taageerta

Qasadkaygi waan kaa hayaa qaaliga ahaaye

Siigaale waaguu qabsadey kana qudbeynaayey

Qalbigaan ka taageeri jirey qaybka ma’ogeyne

Nin qabiil ku haaraamay baan qaadacoon jaraye

Waxaan ugu qidmeyn jirey inuu qiimo leeyahay

Quraankii Rabbigey waa ka tiray qaaliga ahaaye

Qalbigiisa waa laga masaxay qowl Ilaah yiriye

Qayliyo sawaxan buu beryahan qaaqda la hayaaye

..................................... 


Wadaadyahow gabdhaha qaawan baad qayb ku leedahaye

Nin qamiis u tolayoo asturay qaran ma ceebeyne

Qasadkaaga waan garanayaa qiiqu dabayaale

War hooy boogta qolofaysatiyo qurunki daawoobey

Qodqodkeeda naga daa marbey qaranku aaseene

Maraadse qoomamaysaba haddaad qalinka haysaaye

Ma qaddarisey Sheekhow dunida qaalmo rogodkeeda!

Haddii laba qabiil dirirto oo qolo la naafeeyo

Maatida raggii laga qashaa nabad ma qaataane

Muxsinaadka aad qaawisaye qadaftayeed cayday 

Qarni dabadi hay gaadho ama bilahan qaarkoode

Inshaa Allaahu saan kuugu qoray waa laguu qabane

Qaaxadu dawey leedahoo kuuma soo qabane

Rabbi cuduro laga quustayoo qaraxa kuu keenye!

Qobku kaa dhac oo soo qayaxan hilibka qayriine

Qalal iyo qalbi la’aan Rabbigey qoorta kuu geliye

Qabrigoodan gelin naar dhadhami dunida qaarkeeda

Qalbigaaga maal iyo xinjiri ha isku qooshmeene

Qofna kaama haro kii sunnaha qaata mooyaane!" 


Markii la xeray abwaanku intii Xabsiga ku jirray dhawr gabay oo gaagaaban buu mariyay, markii koobaadba uu meesha tagay faa'iidada uu ka helay waxa uu ku sheegay in maxaabiistu kamid ahaanyeen dad aan dadkooda loo ogolayn, maalinka oo idilka labo Rooti qalayl ah lasiiyo, markii uu isaga  soo galayna waxa loo keeno ay la cuni jirreen  mar uu ka gabyayayna waxa uu yiri;

"Qabri maaha jeelkuye muddaa kagu qariifaaye

Qamta igu rid kuwa qubani waa aniga qeyrkeeyee

Illaahay wuxuu ii qadaray, qaanic baan ahaye

Raggaa furinka qooshanahaya hayla quuteene" 


Mar dambe oo uu jeelka xooggaa ku jiro ayaa waxaa meesha ku gashay Injir, iyadana waa ka gabyay oo waxa uu yiri; 

"Abidkeey Injiri iguma socon ima saameyne

Soddon sanniyo dheeraada ma arag saxar dusheydaahe

Sadkay igu lahayd bay heshoo sahal ku goynmayso" 


Gabaygii ugu dambeeyay ee uu inta uusan soo bixin tiriyay waxa uu usoo dhiibay igaar Kaahin ka dhahaayay oo markaas xabsiga laga sii deeyay, waxa abwaanku ku andacoonayaa in xabsigiisa ay tolkiisa ka shaqeeyeen maadaama masaa'il diini ah ay isu hayeen, gabaygaana waxa uu ku leeyahay; 

"Wiilyahoow haddii Eebbaheey irridka kaa daayo

Koleey reer adoogeey wax baad ka arki doontaaye

Abshir Bacadle weli ma ogolaanin  shiikhiini dheh

Iimaanka jeelkuu lahaa kuna af dheeraa dheh

Aanu laylku galaa ku ijtahaadaa dheh

Ismullaah calamkuu qabtaa oogta waaberi dheh

Illaahiisa mooyee cid kale uma arkoonayn dheh

Oo waa ogsoonyahay waxaad ku andacooteen dheh

Insha Allaahu ubaxiina waa la arki doonaa dheh"


-Cumar Dheemow

-23. Feb. 2022

Comments

Popular posts from this blog

Waxbarashada Soomaaliya.

Mashruuc aqooneedka I. M. Lewis.

Habeenkii aan ciyaal weerada noqday!!