Waxbarashada Soomaaliya.
Waa kastaaba mid ka horeeyay ayuu warkiisa sugaa, waxbarashada Soomaaliya waa hardan u dhaxeeyo helitaan iyo hufnaan. Marka laga soo tago tirobeelka dadkii ku dhintay ama ku waxyeeloobay Dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay, waxa ay dagaaladaas galaafteen dhismihii iskuulada iyo tayadooda taasoo saamayn taban ku yeelatay guud ahaan hormarinta waxbarashada dadka Soomaaliyeed. Wixii ka dambeeyay 1991 waxaa la fiiqday dhismayaalkii waxbarashada, waxaa wadanka ka baxay inta badan aqoonyahanadii dalka waxaana dadkii ku dhacay qulqul-maskaxeed. Dhibaatooyinka ku habsaday ummadda waxay keentay in jadwalka waxbarashada Soomaaliya iyo qaabdhismeedka manaahijtuba noqdaan hardan ma dhalays ah oo aan ardayga u ogolaanaynin inuu fakero, wax fahmo, dooq na ka yeesho timaadada. Waxbarashada dugsiyada waxay qaadataa muddo badan, mudo ardaygu uu ku jiro xayndaab wanjalaad iyo waajib gudasho ah. Qaabdhismeedka manaahijta waa waxa ugu muhiimsan oo ay waxbarashada Soomaaliya u baa...