Posts

Showing posts from June, 2022

Wallee waa hankaag daran

  Hadal aan wadaagno  Waa heshiin karaankay Wanaag doonistaydoo Wadooyinka halaq gala Waaga aan u barinoo Nabad maalno waayaha  Walbahaarka gaaraha Waabaayda ii qasan Waad cabi markaagee Ha walaaqin doorkeey  Wadankaan lahaa iyo Darbiyadan wareegsani Waxaa lagu wanjalayaa Maskiin wiirsi aan mudan Wuxuu xaq lahaa idil Weel neefsadoo godan Dalluun kun wadood furan Shaati wayne aan dharag Wuxuu laqay bar muuqdaan Wallaahida maraa baa Wiski dheer ku iibsada  Dhalinyaro walaacdoo Tiro weyd ah toban ka ah Wariskeeda sooyaal Waxa lagu dhex sheegaa Saddex magac wallaahi leh Inay weyso dhoorteen Ooy weer ku diideen Washensiga tirada badan Ku weegaaran guudkood Wixii ay ku keeneen Waatan loo waqdhisayaa  Shaqsi caabud baa waran War ma dhurahaa dhiban Wadka nin u yeeroo Aduunkoo wareegiyo Aakhiro warkeed raba Halkuu waaxid tuugmada Dhimashada ku waaqsiga Ruuxdiisa warin laa Wadar buu ku taamaa Inay maalin wiiqmaan  Siyaasada waswaaska leh Waxa laga dhaxlaa jeer L...

Digriga Xasanaad Jacayl

  Digriga Xasanaad Jacayl Habeen ay taariikhdu ahayd 11.12.2020 aniga oo dhagaysanaya podcast-ga Codka Ubax oo lagu wareesanayay abwaan Weedhsame baa waxaa abwaanku ka sheekeeyay qisada maansada "dareenba dareen xambaar". Podcast-ga waxaan sii dhagaysan jiray marka aan hurdo u diyaar garoobo, habeenkaase waan yeelan waayay ku dhac aan ku hurdo sida qisadu ii muday awgeed. Markaan is dhigay heerka dhibanaha jacayl ee qofkii uu jeclaa qadarku qafaashay, waan ilmeeyay oo maan u adkaysan karin waxa uu arkay. Waxaan ahay arday caafimaadka sannadkii saddexaad ah markaase sannadkii labaad ayaa bilaaw ii ahaa daraasada caafimaadka. Markii aan subaxdi jaamacadda tagay, xiisad kaliya waan qaadan waayay oo mar walba waxaa i hor imanayay wiilkaas iyo xannuunka xaaladu leedahay. Hal'abuur maansoyahan ah maahi, se si aan dareenkayga ololaya u damiyo waxay dani kaliftay inaan kali u fadhiiso oo maansadaan gaaban ku damiyo ololka iga daaran, aniga oo ka matalaya in ay Asma jannoowday oo...