Posts

Showing posts from September, 2022

UNOSOM I&II

Image
HAWLGALKII Rajo soo celinta (UNOSOM I&II) W/Q: Cumar Dheemow Tar: 04. Sept. 2022 .................................................................................... Horraantii 1991-dii Soomaaliya waxaa ka soo gebaggeboobay xukun Militeri oo ay jiritaankiisa iyo burburkiisaba wada eeday. Ka dib burburkii dawladdii uu hoggaanka u hayay AHUN jaalle MSBarre, waxaa abuurmay jabhado maamul doon ah oo hammigooda u wajahayay si ka liidata sidii ay filayeen shacabkii u dabaal degay bixitaanki la bixiyay Jaalle Siyaad. Waa halka uu Abshir Bacadle AHUN ku leeyahay maansadiisi daarnayd dib-u-heshiisiinta "Duqii hore doona ducana ugu dara waad na dilateene". Waloow tuuridii la tuuray maamulkii kalitaliska ahaa ay ahayd mid ka mid ah waxii ugu mudnaa ee sooyaalka Soomaalida soo maray haddana iyada oo aan la wada nashqadaynin waxa dhiig joojin looga dhigi doono marka  jirridda laga gooyo burada deegaansatay dawladnimada Soomaalida ayaa la gooyay buradii, markaas waxaa dhib noqotay in l...