Axmadeey Cabdi Gaashaan

Axmadeey Cabdi Gaashaan, laashin, maansoyahan iyo kaadir kamid ah kuwa bilay fanka Banaadiriga. Axmadeey waxuu ku dhashay tuulada Cumar Beere oo ka tirsan degmadda Afgooye oo ah degmo aad caan ugu ah ciyaaro dhaqameedka reer Banaadiriga, sida; Dabshid, Sayle, Saracdheere, walawalay, kableey shimbir, Aw Batiiqoow iyo kuwo kale. Axmadeey sida sunnada waxbarashada Soomaalida ku bilaabato, wuxuu dhigtay dugsi quraan, 9 jir ayuu ku dhammeeyay taas oo u fududaysay in uu xilli hore xer noqdo, isaga oo dhawr kitaab oo dhidib u ah barashada diinta sidaas ku marsaday. Reer Afgooye iyo tuulooyinka ku teedsan waxay leeyihiin dhaqan baasaysi iyo quraafaad isugu jiro oo ay la wadaagaan inta badan degaanada Soomaaliyeed sida aan hoos kaga arki doonno riwaayaddaha laashinku sameeyay iyo magacyada loo xambaariyay. Dabshidka kahor Afgooye waxaa ka jirtay dhaqan goommaar ah, oo la goommaaraayo ama la ceebaynayo gabadhii sannadkaas wacel dhashay, ardaygii waxbarashada ku xumaado, qofkii tuugni...